Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Showing posts with label TO DAY. Show all posts
Showing posts with label TO DAY. Show all posts

Tuesday, February 9, 2016

Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta



Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta.

Shirkada Facebook waxay usaamaxday isticmaalayaasha App keeda loo yaqaano Facebook Messenger inay ku ciyaarikaan game ka loo yaqaano chess oo si qarsooni ah ugu jirtay Facebook Messenger ka muddo badan balse shirkadu aanay ogaysiin isticmaalayaasha App kan.

Ciyaartan oo qofkastaa la ciyaari karo qofkuu doono ayaad la bilaabi kartaa sxb kaa adigoo kudhufanaya qofkaad doonto inaad la ciyaarto kadibna ku qoraya halka fariimaha laga diro @fbchess play.

Si aad dhagaxa ugu dhaqaajiso afargeeska E4 waxaad qoraysaa @fbchess Pe4 tusaale ahaan. Si aad wax badan u barato erayada la qorayo waxaad ku qortaa meesha fariimaha @fbchess help.
Dhagaxaanta hadaynu ka tilmaamno qaar kamid ah magacaantooda waa:
K  oo ah boqorka.
Q  oo ah boqorada.
B  oo ah maroodiga.
N  oo ah faraska
R iyo P   oo ah Rook iyo Pawn.

Sidoo kale waxa jira erayo badan oo qarsoon oo ay ka midyihiin @fbchess resign  si aad u joojiso ciyaarta, iyo erayga @fbchess stats si aad u eegto dhibcaha adiga iyo saaxiibkaa ku kala sarayseen, iyo erayga @fbchess play white ama @fbchess play black si aad kalarada( colors ) u badbadasho.


Waxa la tilmaamay inaan la ogayn xiliga Facebook ay kusoo dartay Messenger ka ciyaartan, balse website ka ay ku doodaan bulshadu ee la yidhaa Reddit waxay sheegeen in ay jirtay ciyaartani ilaa December tii la soo dhaafay.




Contact us to day!

On Facebook:      www.facebook.com/muxtarif
on website        muxtarif.blogspot.com
on Youtube        abdishakur channel

Thank you!

Friday, January 15, 2016

Wikipedia waxay soo bandhigtay liiska bayjajka ugu akhriska badnaa taariikhdeeda!




Wikipedia waxay u dabaaldagaysaa munaasabada kasoo wareegtay aasaaska wikipedia oo laga joogo muddo 15 sanno ah xiligii la aasaasay, waxaanay ku soo bandhigtay munaasabadan liiska bayjajka loogu booqitaanka badanyahay taariikhda ay jirtay gabi ahaamba.

Kaalinta koobaad waa bayjka madaxwaynahii maraykanka ee hore dhabalyuu buush oo la booqday tiro gaadhaysa 45,862 jeer ilaa intay wikipedia samaysay maqaalka ku saabsan madaxwaynahan.
Si kastaba ha ahaatee qofna ma filanaynaynin in liiska 2015 ee wikipedia uu ugu sarayn doono madaxwaynihii hore ee ku fashilmay xilka wadanka maraynka, iyo ladagaalanka jabhada alqaacida.

Waxa ka mid ahaa liiska ragii sida aadka ah looga akhriyay mudadaas musaariciyiinta WWE oo galay kaalinta labaad, iyo sidoo kale ninkii caanka ahaa ee hitler ee hogaamiyaha ka ahaa jarmalka mudadii dagaalka labaad ee aduunku dhacay oo isna galay kaalinta tobnaad (10).

Liiskaasi wuxuu ahaa qaar ka mid ah 15 bayj ee ugu baadhista badnaa intay jirtay Wikipedia. Balse si gaar ah sannadka 2015 bayjka ugu akhriska badnaa wuxuu ahaa "Deaths in 2015" oo soomaali ku noqonaysa "Dhimashooyinka sannadka 2015".




www.facebook.com/muxatarif
abdishakur channel - youtube

Antivirus bilaash ah oo ay soo saartay Kaspersky







Maadaama oo ay jiraan dadbadan oo jecel inay helaan software ro bilaash ah oon lacag ahayn, shirkada ruushka ah ee ku caanka ah barnaamijka antiviruska ah ee kaspersky waxay isku hawshay inay macaamiisheeda u samayso software bilaash ah kanadiifiya virus ka ku jira computer rada balse aan unadiifinaynin sida imika uu unadiifiyo ka activation code ka wata.

Warkan oo lagu sheegay website ka russian ka ah ee layidhaa Russia To Day ayaa sheegay in kaspersky ay si rasmi ah ugu siidaysay isticmaalayaasha computer rada khaaska ah (personal computers) ee ku shaqeeya windows ka inay heli karaan barnaamijkan free ga ah ee antivirus ka ah.

Masuulka suuq gaynta shirkadan waxa uu carabaabay in wax soo saarkan cusubi uu ku haboon yahay dadka aan haysan lacag ay ku iibsadaan software ka activation code ka wata, sidoo kale uu yahay qayb ka mid ah siyaasada shirkada, si tijaabo ah ayuu u socon doonaa muddo 3 bilood ah oo ay arki karaan kaliya wadamada Russia iyo Ukrainian. 

Daacish oo isticmaasha App ay iskugu diraan fariimaha.





Dawlada islaamiga ah ee daacish waxay horumarisay App cusub oo Message si toos ah la iskugu dirayo Operating System ka Android, waxaana ku fiicanyahay inuu ku ilaalinayo inay wada xidhiidhaan xubnaha ururku si amni ah, waa sida ay sheegeen ururka Chost Security Group ee raacsan ururka Hackers ka ah ee caanka ku ah magacan Anonymous.
Ururka Ghost Security Group ee sidoo kale loo yaqaano GhostSec waxay sheegteen in ay yihiin shabakad ka hortagta argagaxisada, waana qayb ka tirsan ururka ballaadhan ee Anonymous.
Ururkani wuxuu sheegtay inuu awooda saari doono siduu gacanta ugu soo dhigi lahaa xubnaha uruka islaamiga ah ee isticmaala app kan iyagoo kaashanaya wakaalada wararka ee maraykanka iyo dhamaan shirkadaha kamasuulka ah website yada bulshadu ku kulanto, iyagoo kufaanaya inay akoono ay dawlada islaamiga ah lahayd ay hore albaabada ugu laabeen.

Dawladan islaamiga ah waxay ka faa'idaysatay encryptions ka uu leeyahay telegram ku, balse maamulka telegram markuu ogaaday arintaa wuxuu albaabada u laabay 78 channel oo xidhiidh la leh dawladaas.

11 january, ururka GhostSec wuxuu sheegay inuu kashifay App kale oo ay adeegsato dawladan islaamiga ah kaas oo magaciisu ahaa Alrawi.

Waxa la sheegay in App kan ay adagtahay in lahelo Link laga dowload garaysto maadaama oo aanuu ku jirin Google Play Store oo si qarsooni ah loo isticmaalayo.

Monday, December 28, 2015

Shirkadahee akhriyi kara fariimahaaga, kuwee se aan akhriyi karin?

                                           


Yaa akhriyi kara fariimahaad dadka udirtay?

Maalin ba maalinka kadambeeya waxa warwar ka haystaa isticmaalayaasha website yada(tusaale: facebook) iyo apps ka (tusaal: viber) lagu kulmo in ay shirkaduhu akhriyaan fariimahooda amaba ay daawadaan, balse ma kala taqaanaa shirkadaha akhriyi kara fariimahaaga iyo kuwa ka maarmay fariimahaaga een u baahnayn inay akhriyaan.

Shirkadahani ma awoodaan inay akhriyaan fariimahaaga:

1- Apple: app kan apple ee layiraa IMessage waxa uu encrypt gareeyaa fariimaha isagoo ku tiirsan end to end encryption, kaas oo loola jeedo inaanay suuro gal ahayn in la arko fariimaha ilaa laga eego mobile lada isticmaalayaasha oo kaliya, mana arki karto shirkada Apple fariimahaas, kaliya waxay shirkada Apple arki kartaa
fariimahaas marka uu isticmaaluhu copy fariimihiisa ah u upload gareeyo Icloud.

2- What is up: shirkadani waxay ku update garaysay what is up keeda encryption ka end to end iyadoon cadayn arintaas ilaa hada balse si qarsoon ugu dirtay macaamiisheeda, waxaanay sheegatay shirkadani inaanay ku kaydin server radeeda fariimaha ay dadwaynuhu isku dirdiraan, taas oo macneheedu tahay inaanay u dhiibi karin maxkamadaha
fariimo ay isku direen dadwaynuhu hadii uu fal amni darro ah dhaco xataa.

3- Talagram: isticmaaluhu waxa uu ikhtiyaar uleeyahay inuu gabi ahaanba khaas ka dhigo fariimihiisa, shirkaduna waxay diyaar la tahay end to end encryption marka uu qofku doorto fariimaha sirta ah si ay shirkadu iska xanibto inay aragto fariimahaas uu doonayo isticmaaluhu inay sir noqdaan, balse fariimaha caadiga way arki kartaa shirkadu
waxayna ku kaydisaa server radeeda.

4- Signal: waxa uu isticmaalaa app ka Signal ee shirkada Open Whisper Systems encryption ka noociisu yahay end to end, waxaanay si toos ah ugu cadaysay website keeda inaanay daalacan fariimaha isticmaalayaasha balse ay iska qariso inay aragto fariimahaas.

Shirkadahani way akhriyi karaan fariimahaaga:

1- Kik: App kan fariimaha lagu diro ma laha encryption ka noociisu yahay end to end ee shirkaduhu iskaga ilaaliyaan inay fariimaha dadwaynaha iska qariyaan, waxa layaab badan inay shirkadani marka macmiilka A udiro macmiilka B isla markaa uu helo macmiil B fariintaas in si toos ah loo delete garaynayo awoodna aanay ulahayn
labada qofba inay fariintaa dib u arkaan.

2- Facebook: Shirkadani waxay dhexda u fadhidaa labada qof ee fariimaha isku diraya iyadoo awood buuxda u leh inay udiido hal qof inuu qofkale fariin udiro, sababtoo ah fariinta uu diro qofku waxay sii martaa server rada facebook, tani waxay dhacdaa marka user ku isticmaalayo facebook massenger amaba instagram, taas oo macnaheedu yahay
in shirkadani ay soo bandhigi karto falalka amni darro.

3- Google: waxa la encrypt gareeyaa fariimaha ka soo baxa app ka layidhaa Hangouts ee maraya server rada google ka hor inta aanuu helin qofka kale, waanay akhriyi kartaa shirkadu hadii ay ubaahato, waxaanay isticmaashaa google encryption kale markay diidayso in qofkale akhriyo fariimaha dadka, waxayna haysataa furaha encryption ka oo ay awood
u leedahay inay akhrido una dhiibto waaxaha amniga.

4- Skype: App ka skype ma isticmaalo end to end encryption, waxay ku kaydisaa server radeeda fariimaha dadka wakhti yar, taas oo macneheedu yahay inay gudbin karto fariimahan marka looga baahdo

5- Twitter: waxay kaydsataa fariimaha dadwaynaha waanay gudbin kartaa.

6- Snapshat: waxay la mid tahay Google.

Encryption waa maxay?

Erayga Encryption waxa loo isticmaalaa Network ga.

Encryption: Marka qof network ga ka mid ah diro fariin una diro mid kale oo isla network ga ku jira fariintaasi intay 
dhexda sii socoto si aan loo helin loona akhriyin waa la encrypt gareeyaa, oo macnaheedu yahay waxa loo badalaa xuruuf
kala jeed jeeda oo aan la akhriyi karayn, waxa kaliya akhriyi kara shirkada ka masuulka ah fariimahaas iyadoo isticmaalaysa
Encryption key oo ah fure, hadii aad hesho furahaas waxaad akhriyi kartaa fariin kasta oo la Encrypt gareeyay.

Encryption noocyuu leeyahay:

Waxa ka mid ah end to end: hadii la isticmaalo fariimaha lama akhriyi karo, kaliya waxa akhriyi kara sida magaca ka muuqata kadiray iyo ka helaya(end to end).

Saturday, October 3, 2015

Microsoft Oo Go'aansatay Inay Soo Saarto Service Pro 4




Website ku takhasusay fidinta wararka Windows ka ayaa wuxu inoo faa'ideeyay in shirkada Microsoft ay go'aansatay inay soo saarto computer cusub oo ka mid ah silsilada computer rada ah ee loo bixiyay Service Pro. Website kani waxa uu soo gudbiyay in loo ogolaadaya inay arkaan Computer kan Service Pro 4 oo ku imanaya bilaa fadhi hoose marka laga reebo fadhiga dambe ee haya muraayada.

Waxa uu sheegay website ku in frame ka computer kaa loo bixiyay Smart Frame, maadaama uu computer kani uu wato keyboard waxa ay balaca muraayadiisu noqonaysaa 13.3 inches balse marka uu keyboard ka u wato si touch ah oo muraayada la taabanayo waxa balaca muraayadu ay noqonaysaa 12 inch oo muraayada qayb ka mid ah ay noqonayso hadh madaw oon waxba laga arkayn.

Balse marka si guud loo eego computer kan waxa uu sheegay website kan Center for Windows phones la yiraa in computer kan cusub ay qarsoomayso Start Menue diisu muraayada qaybi madawdahay awgeed. Waxa xasuus ah in shirkadani ay soo saarta computer kii kan ka horeeyay ee la oran jiray Service Pro 3 bishii March ee sannadkii 2014, kaas oo ahaa mid si qurux badan u cajabiyay caalamka iyo xafiisyada shaqooyinku ka socdaan.

Waxa muuqata in shirkado badani ay sida Microsoft ay soo saareen computero balaca muraayadoodu la mid yahay balacan Microsoft oo ah 12 inch, sidaa daraadeed ay ku daydeen shirkado kale maadaama ay Microsoft ku guulaysatay computer keedii hore Service Pro 3 oo balaciisu ahaa 12 inch.
waxa ka mid ah shirkadaha ku dayday Apple oo soo saartay Ipad Pro  wata qalin.

Halka ay Google kashiftay maalmo ka hor computer keedii Pixel C oo shabahaya computer rada Microsoft ee la yiraa Serivie Pro balse balacooda ka dhigtay 10.2 inch kuna shaqaynaya Android.

Friday, October 2, 2015

Shirkada Microsoft Oo Website Keeda Uqurxisay Si Aan Dunida Lagu Arag!!

Shirkada Microsoft waxay dibu habayn balaadhan ku samaysay website keedii iyadoo usoo dhigtay hab casri ah oon hore loogu arag website yada shirkadaha kale. Habkan cusubi waxa uu udhigan yahay numbero ka sheekaynaya wax qabadyadii shirkada iyo isticmaalka software radeeda oo ah hab qurux badan oo u taxan si numbero ah. Waxa ay kaga waramaysaa shirkadu horumarkii ay samaysay iyo masuuliyadeeda xataa cuntada ay cunaan shaqaalaheedu iyo qiimaynteedii.

Microsoft waxay sheegtay in bishii la soo dhaafay ee August 75 Million oo qof ay ku install gareeyeen computer radooda Windows 10, balse imika aan wali la garanayn inta ku koradhay tiradaa. Waxayna sheegtay inay doonayso in tiradu ay gaadho Billion qof sannadka 2018, balse kamay waramin tirada guud ee windows yada oo dhan.

Waxay shirkadu ku sheegtay maqaal ay leedahay in 1.2 Billion qof ay isticmaalaan barnaamijyadeeda Office ka ah ee maktabadaha, taas oo macnaheedu yahay in todobadii qof ee meel wada fadhiya aduunka uu mid kamid ah isticmaalo Office ka. Sidoo kale tiro gaadhaysa 150 Million oo qof ay ku download gareeyeen Office ka mobile lada Iphone, Ipad iyo kuwa kale ee Android ka ku shaqeeya iyo ISO ga.

Google App kuna waxa uu sheegay in magaca " Word " lagu qoray 50 Million oo jeer, halka la download gareeyay Excel iyo Power Point in ka badan 10 Million oo jeer. Halka ay isticmaalaan Outlook geeda 400 oo Million oo kunool dacalada dunida. Waxay raacisay tabarucaadka ay bixisay inay gaadheen 2,6 Million doller maalin kasta oo ah 86,000 oo ah barnaamijyo bilaash ay internet ka kusoo galisay halka lacagtaa sare ay ka qaadi lahayd dadka.

Waxa cajiib ah in website kooda ay ku sheegeen cuntada ay shaqaaluu ugu jecelyihiin ee ay ka dalbadaan cafateria ha udhow oo ah nooca loo yaqaan Counterfeit potatoes oo sawirkeedu ka muuqdo  barta hoose, balse ay ku qiyaastay tiro ka yar Million in laga dalbado cafateria haas sannad walba.



Tuesday, September 29, 2015

Apps Ka Ugu Isticmaalka Badan Labadii Wiig Ee La Soo Dhaafay.

Apps Ka Ugu Isticmaalka Badan Labadii Wiig Ee La Soo Dhaafay.




VAMOS Wuxu kula socod siinayaa waxaad jeceshay.






VAMOS Waxa uu la socod siinayaa isticmaalaha waxa uu jecelyahay inuu markasta la socdo, xataa hadii ay ku kala tagsan yihiin social websites ka sida Facebook iyo Twitter ka IWM.
Tusaale ahaan hadaad doonayso inaad markasta lasocoto wararka Sports ka ee cusub ee lagu sheegay Facebook ga iyo Twitter ka IWM, waxaanuu fursad kuu siinayaa inaad warka hesho

isla markaa sattelite ka la soo galiyo ama lagu daabaco social websites ka sida Facebook ga IWM.




Solo Locker - Waxa lagu badalaa muuqaalka Password ka Mobile ka.






Waxa mobile lada Android ka ah ay leeyihiin muuqaal ugaar ah marka lagu xidhayo Password ka iyo marka laga furayo labadaba, balse mararka qaar qofka isticmaalaha ah uu ka daalayaa araga muuqaalkan waxaana uu doonayaa inuu iska badalo muuqaalka Password ka. Solo Locker waxa uu kuu suuro galinaya inaad si fudud ubadasho muuqaalka Password kaaga, adigoo ka dhigi karaya sawirada
family giina oodhan amaba sawiro kala duwan ood leedahay.



Kamcord - Waxaad la soconaysaa Video yada Games ka si Live ah.






App kan la yiraa Kamcord Waxa uu kuu suuro galinayaa inaad si live ah ula ciyaarto laacibiinta ku caan ka ah Games ka, waana waxa soo jiitay dad badan oo jecel Games ka. Waxaad la ciyaari kartaa si Online ah ama aad daawan kartaa dad si Online ah uwada ciyaaraya Games ka, Sidoo kale waxa suuro gal kuu ah inaad Chat la samayso qofka aad la ciyaarayso.

Saturday, September 26, 2015

Video: Maka Cabataa Culayska Mobile Ka ??? Kusoo Dhawaw Darsigan.






Dhibka ugu wayn eed mobile ka ku shaqeeya Android System uga caban kartaa waa culayska Processor ka ku jira mobile kaaga. Hadaba maanta waxaynu isku dayaynaa inaynu gaadhsiino Processor ka ku jira Mobile kaaga Speed ka ugu sareeya ee uu ku shaqayn karo.

Marka hore ogow Processors ku way kala duwan yihiin dhinaca Version nada iyo dhinaca Shirkada soo samaysay, sidoo kale Speed ka ugu fog ee uu gaadhi karo way ku kala duwan yihiin.

Muxuu Faa'ido Leeyahay Kordhinta Speed Ku?

Waxa uu kuu faa'idaynayaa inaad ku ciyaarto Games ka si fudud oo aanaad dareemin wax culays ah ama Mobile ku inuu is qabto oo uu shaqayn ba waayo. Sidoo kale Video yada HD ga ah ayaad ku daawan kartaa, waxaad arkaysaa farqi wayn oo u dhaxeeya markii hore iyo markan dambe.



Marka hore waxaad soo Download garaysaa App kan adigoo ku dhufanaya sawirkan hoose.


Kadibna ku install garee Mobile kaaga sidii caadiga ahayd.


Markaad ku install garayso ee aad ku dhufato waxa kuusoo baxaya Sawirkan.



Waxaad aragtaa tiro ku qoran halka ugu saraysa oo ah 300 Macnaheedu waa Speed ka uu imika ku shaqaynayo Processor kaygu sida kaaga muuqata sawirka sare.

Labada layn ee hoose waxaad ku aragtaa tirooyin ku qoran. Macnahoodu waa:

Laynka sare waxaad ka dooranaysaa tirada ugu saraysa ee aad rabto inuu Processor kaagu ku shaqeeyo.

Laynka hoose waxaad ka dooranaysaa tirada ugu hoosaysa ee aad rabto inuu Processor kaagu ku shaqeeyo.

Tusaale:

Anigu waxaan doortay tirada ugu fog inay noqoto 2649 ta ugu hoosaysaana inay noqoto 2649 sida kaaga muuqata sawirka hoose.





Kadibna ku dhufo barta ay ku qoran tahay Set on Boot oo macnaheedu yahay si automatically ah u shaqee markasta oo aan shido mobile kayga.




Sidaasna waxaynu ku dhamaynay xalqadeena maanta. Waxa idin la socodsiinayay xalqada Abdishakur Maxamed. Intaynu ku kulmayno xalqada kale ee maanta, waxaan idin leeyahay 





كل عام وأنتم بخير







Friday, September 25, 2015

Luxury Mobile Qiimihiisu Yahay $21,000







Shirkada British ka ah ee Vertu lamagac baxday waxay soo saartay maanta mobile cusub oo Luxury ah oo loo bixiyay New Signature Touch kuna shaqaynaya Android 5.1 ( Version kii udambeeyay )System balse qiimihiisu dhanyahay $1000 US.

Waxaana uu ku fiicanyahay Screen (Muraayad) kiisa oo ah 5.2 inches iyo Camera 21 Megabixel, waxaana aasaasay shirkadan Vertu shirkada layiraa Nokia sannadii 1998 waxaanay iibisay sannadii 2012 oo ay ka iibisay shirkado badan oo isku jira oo loo soo gaabiyo magacooda EQT.


Cufka mobile kan waxa uu dhanyahay 428 Pixel daboolkiisuna uu ka samaysan yahay Sapphire crystal.

Mobile kan layiraa New Signature Touch waxa uu ku shaqaynayaa Processor ay soo saartay shirkada qualcomm oo layiraa Snapdragon 810 64 bit oo ah Processor ka ay ubadan yihiin dhamaan Mobile ladii la soosaaray 2 todobaad ee aynu soo dhaafnay, waxaana mobile kan udheer RAM (Random Access Memory) 4 GB ah iyo 64 GB oo ah maskaxda gudaha ee mobile kan, sidoo kale waxa uu leeyahay meel laga galiyo MicroSD oo aynu unaqaano Memory Card.

Waxa inoo dhiman Back Camera (Camera da dambe) oo iyaduna 21 MegaPixel, iyo Battery Capacity giisu tahay 3.160 Milliampere.

Mobile kani waxa sidoo kale udheer Shipping Wireless Technology iyo Quick Charge 2.0 waana 4G.

Shirkadan Vertu waxay kuu raacisay Mobile keedan adeeg kuu sahlaya inaad sifudud u hesho Mobile kan haduu kaa lumo amaba lagaa xado, adeegan oo ugaar ah shirkada.

Mobile kan New Signuture Touch waxa lagu sameeyay gacanta waxaana sameeyay qof kaliya, waxaanuu ka samaysan yahay harag adag iyo Titanium, waxaana uu wataa mobile kani copy kale oo ka samaysan Gold (Dahab).

Copy ga ka samaysan haraga iyo Titanium ka waxa lagu iibinayaa qiimo dhan $10,000 balse copy ga ka samaysan dahabka waxa lagu iibinayaa qiimo dhan $21,000. Waxa laga dalbaday mobile kan in lakeeno United Kingdom si loo iibsado balse waxa iibkiisu bilaab mayaa 16 October.


























































































Thursday, September 24, 2015

كل عام وأنتم بخير !!!!!!!









Waxaanu si sharaf leh usalaamaynaa dhamaan booqdayaasha Muxtarif Blog, iyo soomaalida iyo dhamaan muslimiinta si guud munaasibada ciida awgeed.

Waxaynu ilaahay waydiisanaynaa inuu inugu gaadhsiiyo ciidan ciideeda bashbash iyo barwaaqo iyo horumar u waara dhamaan soomaalida oo dhan.

Alle ha inaga aqbalo dhamaan acmaasheena.



Waxa idin salaamaya:

Abdishakur Maxamed

Mulkilaha Muxtarif Blog iyo Abdishakur Channel




Wednesday, September 23, 2015

Google Waxay Gmail Keedii Ku Soo Dartay Button Cusub.






Shirkada Google waxay ogaysiinaysaa macaamiisheeda in lagu soo daro Gmail ka button cusub oo kuu suuro galinaya message yada dhibta kugu ah ama Ogaysiisyada iyo xayaysiisyada ku mashquulinaya inaad iska block garayn karto.

Waxaana uu ku yaalaa button kani isha yar ee ku taala Reply button ka agtiisa, bartaas oo ay ka blog garayn karaan dhamaan asxaabta isticmaasha browsers ka.

Waxay shirkadu ku tiri Maqaal ay ku soo qortay blog geeda ay ku sheegtay, mararka qaar qofka isticmaalaha ah waxa uu helayaa message yo farabadan oo uu ka helayo mid ka mid ah cinwaanada oo ku dhibaya, sidaa daraadeed shirkadu waxay samaysay inaad block garayn karto cinwaanada noocaas ah, iyadoo lagu ridayo cinwaanada noocaasa box ka loogu talo galay message yada dhibta ah oo layiraa Spam.


Waxaanay shirkadu ogaysiinayaa dhamaan dadka isticmaala browserada inay block garayn karaan cinwaanada ay doonaan iyadoo balan ku qaaday shirkadu inay todobaadka dambe soo gaadhi doono button kani isticmaalayaasha Android.


Waxa la xasuustaa in shirkada Google ay hore usoo saartay button kuu suuro galinaya inaad soo celiso message ka aad dirtay muddo 30 secend ah adigoo ku dhufanaya "Undo Send".



                        Daaw sida loo block garaynayo:                              






        Sawirada Block Sender by Gmail:      








Tuesday, September 22, 2015

Microsoft oo usii daysay caalamka Office 2016.









Waxay sheegtay shirkada Microsoft inay maalin kii salaasada ku siidaysay internet ka Office 2016 dhamaan caalamka oo dhana uu isticmaali karo, waana version kii ugu dambeeyay ee Office yada.

Waxaanay cadaysay shirkada Microsoft in Office 2016 uu ka koobanyahay Word, PowerPoint, Excel, Outlook, Access. Sidoo kale waxa u dheer in la share garayn karo information ka.

Satya Nadela - Madaxa fulinta ee shirkada Microsoft waxa uu yiri " Kani waa hindisidii ugu dambaysay, waana talaabo hore aanu u qaadnay oo ah inaan office ka ubadalno Apps isku xidhan oo suuro galiya in information ka la wadaago dhamaan ".

Horana shirkada Microsoft waxay sii daysay OS ( Operating System ) Windows 10 ah horaantii bishii July, kaas oo ahaa mid iskugu keenay dhamaan Apps ka lagu isticmaalo Intelligent Mobiles ka, iyo Tablet computers hal meel oo ah Windows 10.

Waxaana uu ku shaqaynayaa Office 2016 40 luqadood waxaanuu ku shaqaynayaa kaliya windows 7 iyo wixii ka dambeeyay, waana sida uu u dhignaa hadalkeedu.



             Qaar kamid ah sawirada Microsoft Office 2016               








Monday, September 21, 2015

Apple waxay sheegtay xiligay sii daynayso 2 mobile oo ku shaqaynaya IOS 9.








Shirkada Apple ayaa Maqaal qoraal ah ku sheegtay in maanta oo Isniin ah ay %50 kamida Intelligent Devices keeda lagu isticmaalayo imika Version 9 ka cusub Operating System keeda, iyadoo sheegtay inuu yahay Version kii ugu fidi taanka badnaa taariikhda shirkada Apple ilaa imika.

Waxaana maqaalkani uu ina xasuusinayaa markay go'aansatay shirkada Apple inay siidayso labadeeda Mobile ee cusub Iphone 6S iyo Iphone 6S Plus maalinka jimcaha ee dhaw.

Waxaanay sifaysay Version ka ugu dambeeya ee IOS 9 inuu yahay ka ugu dheereeya abid taariikhdeeda, waxaana version kan cusub lagu isticmaalay %50 ka mida devices ka ay shirkadu leedahay. Waxaana la sii daayay version kan markay taariikhdu ahayd 19 Sep 2015 oo ahayd 4 cisho ka hor.

Hadaynu samayno is barbar dhig OS version 8 kii hore waxa ay ku qaadatay 8 cisho inuu soo gaadho qiimayntan. Waxaanay ku qiyaastaa tirada kolba soo booqata App Store keeda.

Waxaana uu sheegay ku xigeenka suuq geeyaha shirkadu Philip Schiller in IOS 9 uu noqon doono ka loogu isticmaalka badnaa taarikhda Apple.

IOS 9 waxa uu ka caawinayaa isticmaalaha inuu ku shaqaysto caawiyaha isticmaalaha oo loo yaqaan Personal Assistance Siri iyo inuu xasuusiiyo isticmaalaha balamaha ku kaydsan
Calender ka, waana mid ku dhadhaw Cortana Personal Assistance oo ay leedahay shirkada Microsoft, iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah sida Battery Live ka.

LG Class - Mobile kii ugu dambeeyay ee shirkada LG oo la kashifay Maanta.










Maanta oo Isniin 21 Sep 2015 waxay shirkada LG kashiftay Mobile cusub oo ku shaqaynaya Android System oo lagu magacaabo LG Class, waxaana uu ku fiicanyahay inuu ka samaysan yahay macdan iyo muraayadiisa oo ah 5 inches.

Waxaana ay tiri shirkadan LG oo laga leeyahay kuuriyada waqooyi in LG Class uu ka samaysanyahay macdan Svelte Metel ah si looga dhigo mid kamid ah mobile lada lagu faano dunida.

Waxaana uu leeyahay Screen ( Muraayad ) 5 Inches ah iyo Accuracy 1280*720 Pixel, waxaana uu leeyahay quraarad sare oo kaga soo laaban labada hareerood, sidoo kale waxa udheer Back Camera ( Camerada dambe ) oo Accuracy geedu yahay 13 MegaPixel iyo mid hore oo ah 8 MegaPixel.

LG Class waxa uu ku shaqaynayaa Version ka 5.1.1 Lollipop oo ah Android OS, sidoo kale Processor noociisu yahay Qualcomm Snapdragon 410 iyo Random Access Memory 2 GB ah, iyo 16 GB oo ah Interior storage space extensible.

Waxaana uu culayskiisu dhanyahay 147 Gram, waana 4G.


Waxaanay go'aansatay shirkadu in Mobile keeda LG Class ka iibiso dhamaan shirkadaha kuuriyaanka ah ee jooga gudaha wadanka kuuriya iyadoo ka siinaysa qiimo dhan $339.
Manay sheegin shirkadu war ku saabsan xiliga laga iibinayo caalamka inta kale.


























Skype oo sheegtay in uu khalkhalay Video & Text Chatting kii !!






Skype - shirkada chatting ka ee raacsan shirkada Microsoft waxay sheegtay in yar ka hor in isticmaalayaasha qaar aanay awood u lahayn inay lahadlaan asxaabtooda khalal jira awgii, iyagoo usoo baxday fariin usheegaysa inaanay ku xidhiidhsanayn internet ka iyagoo ku xidhiidhsan intenet ka

Waxaana ay Shirkadu ku sheegtay Maqaal ay ku soo qortay blog geeda " Hadii aad gasho Skype gaaga, awood uma lihid inaad badasho xaaladaa kuu gaarka ah, sidoo kale dhamaan xidhiidhka aad dadka lasamaynaysaa mashaqaynayo oo wuxuu sheegayaa inaanaad ku xidhiidhsanayn intenet ka, xataa hadii aad ku xhidhiidhsantahay internet ka, sidaa daraadeed lama hadli kartid dhamaan asxaabtaada ".

Waxaana ay raacisay Skype " Sidoo kale waxoogaa dad ah ayaanuu ushaqaynayn Group chatting ku, balse dadka badankoodu way awoodi karaan inay diraan fariimaha ".


Waxaana ay sheegta shirkadu in xataa dadka imika iska diiwaan galinaya Skype qaar kamid ay dhib badan la kulmeen haatan, sidoo kale inaad wax ka badasho Settings kaaga waxay qaadanaysaa muddo farabadan.

Waxaana ay sheegtay shirkadu inay si dhakhso ah u hagaajinayso dhibkan, waxaana ay uga mahad celisay isticmaalayaasheeda inay ku sabreen dhibkan.


Shirkada Microsoft Oo Hadyad Usoo Dirtay Wiilkii Hindisay Saacada.






Shirkada wayn ee Microsoft ayaa hadyad usoo dirtay wiilkii hindisay saacada dhamaadkii wiigii lasoo dhaafay. Hadyadan oo ahayd shandadbay ka buuxaan qalab farabadan oo ah nooca ugu dambeeya ee caalamku soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa hadyadan Service Pro 3 oo ah
computer keedii loo yaqaanay Taplet Computer iyo Microsoft Band kii ay samaysay shirkadu samaysay oo ah saacadaha ugu qaalisan uguna dambeeyay dunida.

Waxaana sidoo kale ku jiray shandada alaabo kale ooy ka mid ahaayeen Printer 3D ah oo ay samaysay shirkada Cube, Calculator ka layiraa raspberry pi iyo sidoo kale cajalado Windows 10 iyo Office yo & tiro kale oo ah alaabaha Intelligent ga ah.

Waxaana la xasuustaa in wiilkan hore uu uga codsaday Madaxwaynaha maraykanku inuu soo booqdo aqalkiisa cad isagoo dalabkaa kusoo qoray bogga twitter ka.

Mark Zuckerberg isaguna uu hore uga dhawaajiyay in wiil kani lagu dhiiri galiyo balse aan lagu xidhin saacada uu sameeyay, isla markaana ugu baaqay inuu Axmed soo booqdo shikadda Facebook si looga caawiyo hindisida.

Waxaana uu Axmed u mahad celiyay qofkasta oo garabkiisa istaagay isla markaana gacan ka gaystay caawintiisa sida lagu sheegay wargeys.

Saturday, September 19, 2015

Shirkada Google Oo Loo Sameeyay Laba Mobile.





Website ka ku takhasusay daba galka la socodka wararka ugu dambeeya ee Android ka ee layiraa DroidLife ayaa faafiyay magacyada rasmiga ah ee Mobile lada Google ay soo saari doonto bishan soo socota.

Waxaana uu sheegay Website ku isagoo ku hadlaya afka Google in Magacyada Mobile lada cusub ay yihiin " Nexus 5X " oo ay samaysay shirkada LG iyo " Nexus 6P " oo ay samaysay Hawai, waxaana uu ku daray in Magacyadani ay isbadali karaan ka hor inta aan la soo saarin Mobile ladan 29 September ta soo socota.

Waxaana ay baahintu sheegtay in Nexus 5X Screen (Muraayadiisa) kiisu tahay 5.2 inch 1080 Pixel iyo processor kiisa oo ah snap dragon 808  iyo Random Access Memory 2 GB ah, sidoo kale Back Camera 12.3 Megapixel iyo ugu dambayn Battery capacity of 2700 mAh.

Balse Mobile ka kale ee ah Nexus 6P waxa uu ku imanayaa Screen (Muraayadiisa) 5.7 inch ah iyo Display resolution 2k iyo Processor snap dargon 810 frequency of 1.9 GHz iyo Random Access Memory oo 3 GB ah. Dhinaca Camera da dambana waa 12 MegaPixel kuna duubi kara
Video ga 4K

Waana markii ugu horaysay ee ay shirkada Hawai ka caawiso shirkada Google inay u samayso Mobile kan Nexus 6P, balse shirkada Google hore ayay ugu samaysay Mobile kan Nexus 4 sannadii 2012 iyo Nexus 5 sannadii 2013.

Waxaana xasuus ah in shirkada Google shalay Jimcii martiqaadkii Converence (shirka) ga aanay ku sheegin Noocyada Mobile lada ay soo saarayso.



Booqo Channel ka Google

AnchorFree Waxay Internet Ka Kusii Daysay Extension Cusub!





Shirkada layiraa AnchorFree ee develop (horumar) garaysay software (barnaamij) ka layiraa Hotspot Shield oo shaqadeedu tahay "Contact Protection" oo adeegsata shabakado VPN khaas ah, si ay u ilaaliso isticmaalayaasha internet ka, uguna fududayso inay website yada xaniban ka gudbaan, ayaa suuqyada ku siidaysay extension cusub oo loogutala galay inuu dadka ka caawiyo inay ka gudbaan website yada xaniban.

Waxaana uu ku fiican yahay extension kan cusubi in uu yahay (Free) bilaash, isla markaana si xawaara leh aad u isticmaalayso internetka, waxaanaad daawan kartaa video yada youtube ka iyagoon kugu khasbayn inaad galiso email kaaga si aad u daawato,

sidoo kale waxa lagu isticmaali karaa extension kan Windows ka iyo Macintosh kaba, waxaana lagu darayaa extension kan Google Chrome & Firefox labadaba.

Hotspot Shield waxa uu noqday barnaamijka ugu isticmaalka badan Caalamka, iyadoo lagu qiyaasay tirada downloads ka barnaamijkan 350 Million oo Download! (Qiimayntii hore waxay ahayd 200 Million downloads!)waxaana lagu siidaayay internet ka.

Waxaana uu ku sheegay maamulaha Suuq gaynta shirkadu Website ka layiraa TechCrunch in barnaamijku uu lahaa raadayn badan marka loo eego ilaalinta uu ilaalinayo information ka qofka marka uu isticmaalayo Internet ka.

Waxaana uu barnaamijkani usaamaxay dadka inay ka gudbaan Website yada ay dawladuhu ka xanibeen muwaadiniin tooda sida Facebook ga, iyo Google Services, iyo sida China oo kale, ama Wikipedia & Reddit oo ruushku kaxanibay Muwaadiniintiisa.

Sidoo kale intaa kumuu hadhin barnaamijkani, waxa uu kuu ogalaanayaa website wadankaaga aan laga isticmaali karin inaad isticmaasho sida Nettflix. Waxaana ay shirkadu sheegtay inuu ilaalinayo 50,000 message saacadiiba si aan lagaaga dhicin.



Friday, September 18, 2015

Facebook Waxay Soo Saartay Tool Cusub Oo Layiraa - Signal






Waxay shalay Facebook sii daysay tool cusub si ay suxufiyiinta ugu soo celiso inay jeclaadaan Facebook ga isla markaana wararka ka diyaariyaan Shirkada Facebook. Waxaana loogu talo galay tool kan inay suxufiyiintu ku wadaagaan Sawirada, iyo video yada googooska ah.

Waxaana lagu magacaabaa toolkan cusub ee Facebook magaca " Signal " Waana hab cusub oo shirkada Facebook ay ku soo jiidanayso
Media ha intay ku mashquuli lahaayeen Shirkada tartanka kula jirta ee Twitter, mana aha markii ugu horeeyay ee Facebook caawiso Suxufiyiinta, hore waxay u soo saartay Apps lagu caawinayo Media ha.

Waxaana ay badanaa udagdagaan Suxufiyiintu Website ka Twitter, Si ay u helaan wararka dagdaga ah, balse waxaad moodaa inay Facebook go'aansatay inay kula tartanto Twitter.

Ujeedada loo sameeyayna waxay ku cadaysay Facebook Page keeda in ay ugu tala gashay tool kan inay ku xidhmaan Suxufiyiintu Facebook ga iyo Instagram. Waxaana uu toolkani ku tusayaa wararka aadka loogu hadal badan yahay si ay Suxufiyiintu iskugu daraan oy ka sameeyaan warar kala duwan.

Sidoo kale shirkadda Twitter waxay hore usamaysay tools noocan oo kale ah oo kashifaya wararka loogu akhriska badan yahay sida tool ka layiraa "Project Lightining"

Intaa kuma dhama, sidoo kale twitter waxay hore usoo saartay tool kale oo layiraa "Collection" laakiin isticmaalkiisu yaryahay

Sidoo kale twitter waxay leedahay tool kan shabaha " Signal " oo layiraa "Curator"

Facebook na hore waxay u sii daysay Service wararka lagu baahiyo 2014 oo layiraa FB Newswire iyo mid kale oo layiraa FB Techwire.