Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Tuesday, September 22, 2015

Microsoft oo usii daysay caalamka Office 2016.









Waxay sheegtay shirkada Microsoft inay maalin kii salaasada ku siidaysay internet ka Office 2016 dhamaan caalamka oo dhana uu isticmaali karo, waana version kii ugu dambeeyay ee Office yada.

Waxaanay cadaysay shirkada Microsoft in Office 2016 uu ka koobanyahay Word, PowerPoint, Excel, Outlook, Access. Sidoo kale waxa u dheer in la share garayn karo information ka.

Satya Nadela - Madaxa fulinta ee shirkada Microsoft waxa uu yiri " Kani waa hindisidii ugu dambaysay, waana talaabo hore aanu u qaadnay oo ah inaan office ka ubadalno Apps isku xidhan oo suuro galiya in information ka la wadaago dhamaan ".

Horana shirkada Microsoft waxay sii daysay OS ( Operating System ) Windows 10 ah horaantii bishii July, kaas oo ahaa mid iskugu keenay dhamaan Apps ka lagu isticmaalo Intelligent Mobiles ka, iyo Tablet computers hal meel oo ah Windows 10.

Waxaana uu ku shaqaynayaa Office 2016 40 luqadood waxaanuu ku shaqaynayaa kaliya windows 7 iyo wixii ka dambeeyay, waana sida uu u dhignaa hadalkeedu.



             Qaar kamid ah sawirada Microsoft Office 2016               








Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →

0 comments:

Post a Comment