Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Showing posts with label TUTORIALS. Show all posts
Showing posts with label TUTORIALS. Show all posts

Saturday, March 5, 2016

Dheeraysii computer kaaga oo nadiifi adigoo isticmaalaya kaspersky cleaner

Barnaamijka kaspersky Cleaner waa barnaamij cusub oo version kii uhoreeyay ee lasoo saaro ah, waxaana samaysay shirkada Russian ka ah ee Kaspersky, waxaana laga download garaysan karaa website ka shirkada isagoo bilaash ah.



Waxa barnaamijkan loogu talo galay in lagu khafiifiyo computer ka iyadoo laga qubayo dhamaan faylasha ku meelgaadhka ah ee la yidhaa temporary files, iyo faylasha aan computer ku ubaahnayn, iyo waxyaabaha windows kaaga khilaafsan oo dhan. Barnaamijka markaad install garaynayso waxaad u baahantay internet, waxa kuu soo baxaya file yar oo calaamada antivirus ka oo kale leh, kadib markaad ku dhufato isagaa si automatically ah uga soo download garaynaya internet ka.


Markaad download garayso eed furto waxa kuu soo baxaysa daaqad yar oo fudud sida sawirka sare ka muuqata. Waxaad ku dhufataa START SCAN, kadib wuxuu baadhayaa dhamaan faylasha oo dhan, button kaas hoostiisa waxaad ku arkaysaa 4 qaybood oo uu baadhayo computer ku, markuu soo helo faylasha aan loo baahnayn oo dhan,wuxuu saarayaa calaamad cas 4 tii qaybood, waxaad ku dhufataa FIX


Markaad FIX ku dhufato calaamadii casaa oo dhani waxay isku badalayaan calaamad sax ah oo akhtar ah. Ka bacdi wuxuu kaa dalbanayaa inaad restart garayso, ku dhufo REBOOT NOW si aad imika u restart garayso, ama ku dhufo REBOOT LATER si aad hadhaw u restart garayso.


Barnaamijkan waa markii ugu horaysay ee ay shirkadu soo saartay, taa macnaheeduna waa in wax badan lagu soo dardari doono oo ay shirkadu wax ku sii kordhin doonto.


Barnaamijku waakan:

Kaspersky Cleaner




Thursday, January 14, 2016

Sida qoraal aad ku qortay blog gaaga loo hoos geeyo page ka aad doonto.






kadib markaan asxaabta qaaliga ah kala kulmay su'aal si xad dhaaf ah usoo noqnoqotay qoraalna lagu fahmi waayay waxaan go'aansaday inaan xalqadan soo diyaariyo aniga oo ka jawaabaya dalabka igaga yimid asxaabtaas.

Ka soo qaad in blog gaagu uu uqaybsamo pages kan:
HOME  |    TUTORIAL   |   TODAY

waxaad rabtaa inaad qoraal qorto kadi aad hoos gayso TODAY si marka qof soo booqdo oo uu ku dhufto TODAY uu uga helo qoraalkaad imika soo galisay. Waxaad ogaataa qoraalkasta ood ku qorto blog gaaga hadii aad rabto page gaar ah inaad hoos gayso waxa khasab ah inuu soo galo ugu horayn HOME kaaga kadibna wuxuu galayaa page kaad ku waday.

Maxaaan uga jeedaa sidaas, la soco video gan si aad u fahanto


Fadlan hadii aad ka faa'idaysato ha ilaawin inaad Like garayso aqoon fidinta awgeed iyo Muxtarif ka aan kaala bakhaylayn waxkasta oo cusub.







Nagala soo xidhiidh Link yadan hoose:




Thursday, December 24, 2015

sidee la iskugu xidhaa facebook page kaaga iyo blog gaaga



Kusoo dhawaada xalqadan maanta oo aan idin ku tusi doono sida la iskugu xidho facebook page kaaga iyo blog gaaga iyadoo suuro gal kuu noqonaysa in blog gaaga uu kasoo muuqdo cover kii facebook gaagu.

Ku raajin maayo hadal badan waxaynu u gudbi doona xalqada oo video ah





Waakan website ku:


Wednesday, December 23, 2015

sida loo sameeyo menu, sub menu, iyo page kaligii taagan.




Kadib markaynu soo edit garaynay template keenii waxaan la kulmay su'aalo ku saabsanaa sida loo samaynayo menu iyo sub menu iyo page sida TUTORIALS, GAMES, SPORTS iyo pages kuwaas oo kale ah.


Menu Code:

Code kan  waxa la isticmaala marka aad samaynayso Page gaar ah sida Sports ama Games:

<li>
<a href='https://#/search/label'>Games</a>
</li>

Calaamada kubadal maga blog gaaga (tusaale: muxtarif.blogspot.com)

"Games" ku badal magaca page ka aad rabto inaad samayso (tusaale: Games ama Sports ama Tutorials)


Sub Menu Code:

Code kan waxa la isticmaalaa marka la samaynayo sub menu:

Sitoos ah utag menu  aad rabti inaad sub menu usamayso sida Games oo kale
Kadib barta <li> dusheeda kaga taalo soo dooro, halka ka hoosaysa ee ay ku qorantay </a> ku qor hoosteeda code kan:

<ul>
<li>
<a href='https://#/search/label/Game1'>Game1</a>
<a href='https://#/search/label/Game1'>Game2</a>
</li>
</ul>


Fadlan ha ilaawin inaad Like garayso una share garayso asxaabtaada aqoon fidinta awgeed iyo muxtarif ka aan kaala bakhaylayn wax kasta oo cusub isla markaana fudud.






Tuesday, December 15, 2015

Waa maxay Hosting, Hostin Company, sideen u host gareeyaa website kayga??

                               



Kadib markaynu  si faah faahsan uga soo hadalnay waxa uu yahay domain name iyo sida loo iibsado iyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo iibsado domain name.

Xalqadan maanta waxaynu kaga hadli doonaa kuna baran doonaa:

Hosting:

Hosting waa in aad ku kaydiso macluumaadka ku jira website kaaga server aad haysato amaba mid shirkadi leedahay.

Hosting Company:

Hosting Company waa shirkadaha waawayn ee soo iibsada ama gata servers waawayn oo ku taagan qiimo lacageed oo aad ubadan, kadibna u ogalaanaya bulshada caalamka inay ku kaydsadaan macluumaad ka ku jira website yadooda uguna ilaaliyaan website yadaa hawada si Online ah.


Example Of Hosting Companies:

Dhamaan shirkadaha hosting ka bixiya tiradooda guud waa 83 shirkadood oo ay ka mid yihiin.

  • 1&1 UK: Waxa la aasaasay 1998. Qiimaha: £4.99
  • 1&1 USA: Waxa la aasaasay 2003. Qiimaha: $4.99
  • 1-2-Wonder Hosting: Waxa la aasaasay 2000. Qiimaha: $4.95
  • 1Host Web Hosting: Waxa la aasaasay 1996. Qiimaha:  $5.59
  • 247-Host: Waxa la aasaasay 2004. Qiimaha $2.99
  • A2 Hosting: Waxa la aasaasay 2001. Qiimaha  $3.92
  • AISO: Waxa la aasaasay 1997. Qiimaha $6.25
  • AN Hosting: Waxa la aasaasay 2001. Qiimaha $5.95
  • Apollo Hosting: Waxa la aasaasay 1999. Qiimaha $6.95
  • Atlantic.net: Waxa la aasaasay 1994. Qiimaha $9.49
  • Bigcommerce: Waxa la aasaasay 2009. Qiimaha $69.95
  • BlueFish Web Hosting: Waxa la aasaasay 1997. Qiimaha $6.95
  • BlueHost: Waxa la aasaasay 1996. Qiimaha: $3.49
  • Bounceweb: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $6.67
  • Brain Host: Waxa la aasaasay  2010. Qiimaha: $7.95
  • Brinkster:Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $5.99
  • Cartika: Waxa la aasaasay  2000. Qiimaha: $10.00
  • Certified Hosting: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $3.95
  • CirtexHosting: FouWaxa la aasaasay  2003. Qiimaha:$6.99
  • City Network: Waxa la aasaasay  2002. Qiimaha: $8.00
  • ClickHOST: Waxa la aasaasay 2000. Qiimaha: $7.95
  • CoolHandle: Waxa la aasaasay  2001. Qiimaha: $12.95
  • Crucial Paradigm: Waxa la aasaasay  2003. Qiimaha: A$14.95
  • Digital Ocean: Waxa la aasaasay  2011. Qiimaha: $10.00
  • Doteasy: Waxa la aasaasay  2000. Qiimaha: $3.98
  • DreamHost: Waxa la aasaasay  1997. Qiimaha: $8.95
  • EasyCGI: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $6.99
  • Easyspace: Waxa la aasaasay  1997. Qiimaha: £3.99
  • Eleven2.com: Waxa la aasaasay  2003. Qiimaha: $12.00
  • eUKhost: Waxa la aasaasay  2001. Qiimaha: £2.75
  • FastDomain: Waxa la aasaasay  2005. Qiimaha: $5.95
  • Fasthosts: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: £3.49
  • FatCow: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $3.15
  • FutureQuest: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $8.95
  • Go Daddy Web Hosting: Waxa la aasaasay 1997. Qiimaha: $5.94
  • Got Web Host: Waxa la aasaasay  2002. Qiimaha: $49.00
  • GreenGeeks: Waxa la aasaasay  2006. Qiimaha: $4.95
  • Hagen Hosting: Waxa la aasaasay  2001. Qiimaha: $3.95
  • Host Excellence: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $3.95
  • Host Head: Waxa la aasaasay  2001. Qiimaha: $4.95
  • HostGator: Waxa la aasaasay  2002. Qiimaha: $0.01
  • HostMonster.com: Waxa la aasaasay  1996. Qiimaha: $4.95
  • HostNine: Waxa la aasaasay  2006. Qiimaha: $6.95
  • HostPapa: Waxa la aasaasay  2006. Qiimaha: $3.95
  • HostRocket: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $5.99
  • InMotion Hosting: Waxa la aasaasay  2001. Qiimaha: $5.99
  • Interserver: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $4.95
  • Intuit Websites: Waxa la aasaasay  1983. Qiimaha: $19.99
  • iPage: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $2.25
  • IPOWER: Waxa la aasaasay  2001. Qiimaha: $3.95
  • IX Web Hosting: Waxa la aasaasay 1999. Qiimaha: $7.95
  • JaguarPC: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $4.95
  • Just Host: Waxa la aasaasay  2008. Qiimaha: $2.95
  • Liquid Web: FouWaxa la aasaasay  1997. Qiimaha: $14.95
  • Little Oak: Waxa la aasaasay  2007. Qiimaha: $6.67
  • Lunarpages: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $3.95
  • Media Temple: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $20.00
  • MediaCatch: Waxa la aasaasay 2002. Qiimaha: $7.95
  • MidPhase: Waxa la aasaasay  2003. Qiimaha: $2.95
  • Mister.net: Waxa la aasaasay  1997. Qiimaha: $25.00
  • Mom Webs: Waxa la aasaasay  2000. Qiimaha: $5.00
  • myhosting.com: Waxa la aasaasay  1997. Qiimaha: $9.95
  • Netfirms: FouWaxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $4.45
  • NetHosting.com: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $8.33
  • Network Solutions: Waxa la aasaasay  1979. Qiimaha: $7.99
  • Omnis Network: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $5.95
  • One.com: Waxa la aasaasay  2002. Qiimaha: $1.89
  • PowWeb: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $3.88
  • Register.com: Waxa la aasaasay  1995. Qiimaha: $13.29
  • ServerPronto: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $5.95
  • Shopify: Waxa la aasaasay  2006. Qiimaha: $59.00
  • Simple Helix: Waxa la aasaasay  2007. Qiimaha: $133.95
  • SiteGround: Waxa la aasaasay  2004. Qiimaha: $10.95
  • SoftLayer: Waxa la aasaasay 2005. Qiimaha: $159.00
  • StartLogic: Waxa la aasaasay  2003. Qiimaha: $5.95
  • The Host Group: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $5.95
  • ThinkHost: Waxa la aasaasay  1999. PlQiimaha: $7.95
  • UK2.NET: Waxa la aasaasay  1998. Qiimaha: £3.30
  • Ultrahosting: Waxa la aasaasay  1983. Qiimaha: $17.95
  • Velcom: FouWaxa la aasaasay  2000. Qiimaha: $3.95
  • Verio: Waxa la aasaasay  1996. Qiimaha: $9.95
  • VodaHost: Waxa la aasaasay  2004. Qiimaha: $7.95
  • Volusion: Waxa la aasaasay  1999. Qiimaha: $99.00
  • Web Hosting Buzz: Waxa la aasaasay  2002. Qiimaha: $6.95
  • Web Hosting HUB: Waxa la aasaasay  2001. Qiimaha: $4.95
  • Web Hosting Pad: FouWaxa la aasaasay  2005. Qiimaha: $1.99
  • Web Wizards: Waxa la aasaasay  1997. Qiimaha: $9.00
  • Web.com: Waxa la aasaasay  1997. Qiimaha: $11.95
  • Webfusion UK: Waxa la aasaasay  1997. Qiimaha: £10.99
  • Webmasters.com: Waxa la aasaasay  1994. Qiimaha: $9.95
  • Webnode: Waxa la aasaasay  2008. Qiimaha: $Free
  • Webs: Waxa la aasaasay  2001. Qiimaha: $Free
  • Weebly: Waxa la aasaasay  2007. Qiimaha: $29.00
  • WestHost: FounWaxa la aasaasay  1998. Qiimaha: $8.00
  • WireNine: Waxa la aasaasay  2004. Qiimaha: $5.56
  • Wix: Waxa la aasaasay  2006. Qiimaha: $Free
  • Yahoo! Small Business Web Hosting: Waxa la aasaasay  1995. Qiimaha: $7.99
  • Yola: Waxa la aasaasay  2007. Qiimaha: $Free


  • Liiska 10 ka shirkadood ee ugu caansan hosting ka siday u kala horeeyaan:

    1. Blue Host
    2. Host Gator
    3. Go daddy
    4. A2 Hosting
    5. One.com
    6. Fast Cow
    7. Dream Host
    8. Just Host
    9. I Page
    10. Web Hosting Pad

     
     
    Daawo sawirada qaar kamid ah servers ka:


     
     



     
     
     

    Thursday, December 10, 2015

    sidee loo iibsadaa domain name loona diiwaan galiyaa website kaaga part 7






    Waxaynu kusii dhawnahay gabagabaynta blogger ka, maanta waxaynu xalqadan kaga hadli doonaa sida loo iibsado domain name.

    Waa maxay Domain Name?

    Domain Name waa maga website kaagu uu yeelan doono (Tusaale ahaan: magacaaga.com).
    Domain Name ka waa la iibsadaa markaad ubixinayso website kaaga adigoo isticmaalaya laba card oo layidhaa Visa Card & Master Card midkood, kolba kii aad haysato.


    Muxuu faa'ido leeyahay Domain Name?

    Domain Name waa magaca kaliya ee ugaarka ah website kaaga waxaana uu u kala baxaa laba qaybood oo kala ah:
    • Full Domain
    • Sub Domain
    Full Domain waa mid adiga kuu gaar ah sida (magacaaga.com).
    Sub Domain waa mid ku dhex jira full domain sida (magacaaga.shirkadkale.com).

    Full Domain wuu ka fiican yahay Sub Domain kana xirfadaysan yahay, waana la isku halayn karaa si kalsooni buuxda ku jirto.
    Full domain waxa uu kuu sahlayaa inaad isticmaasho ciwaano ka duwan kuwa kale ee sida gmail ka ah, tusaale ahaan waxaad isticmaalaysaa (magacaaga@magacaWebsitekaaga.com) amaba (info@magacawebsitekaaga.com).

    Waa imisa qiimaha iibkiisu?

    Markasta waxay ku xidhantahay shirkada aad la xidhiidhayso amaba aad ka iibsanayso.


    Maheli karaa domains kala duwan oo fara badan hal mar?

    haa waad heli kartaa, tusaale ahaan waxaad hal mar wada iibsan kartaa (magacaaga.com & magacaaga.net & magacaaga.org).

    Visa Card ama Master Card ma heli karaa?

    Inta badan ka heli maysid wadamada soomaalida sida Somalia, Somaliland, Jabouti, iyo Puntland balse waxaad ka heli kartaa intii ka baxsan kuwaas, qiimuhuna ku xidhanyahay kolba wadan kaad ka iibsanayso sida uu uhelo card kaas, tusaale ahaan hadii uu safar dheer ugu yimaado lacagtuna way kordhaysaa.

    Intaasi waa su'aalihii aad iwaydiin lahayd, hadii aad kuwa kale hayso, ila soo xidhiidh su'aashaadana hanoqoto mid cad oo waadax ah.





    Tuesday, December 1, 2015

    sida website kaaga loogu soo daro gadgets - Part 6




    Markaynu kasoo hadalnay sida loo edit gareeyo waxna looga saaro website kaaga looguna soo daro link yo dheeraad ah, maanta waxaynu soo qaadan doona cashar kale oo daba socda oo ah sida loo isticmaalo gadgets.

    Gadgets waamaxay?

    Gadgets waa kuwa qurxinaya website kaaga isla markaana ka dhigaya wax macno leh.

    Gadgets ka maxaa ka mid ah?

    Gadgets ka waxa ka mid ah:

    • Popular Posts
    • Contact form
    • Clock
    • Profile
    • Logo
    • Subscribe box
    • Search box
    • Labels
    • Facebook Page
    • Social Plugins
    • Iyo qaar kale oo badan ood ku arki doonto sharaxa.


    Maxaynu ku baranaynaa xalqadan:

    Si xoog leh waxaynu uga hadli doonaa sida loo isticmaalo gadgets fara badan oo kala duwan, waxaan talo kaa siin doonaa mustaqbalka sidaad u isticmaali lahayd gadgets aan hore asxaabtaadu u arag, iyo tusaalayaal fara badan.







    sida wax looga badalo webkaaga - Editing - Part 5






    Shaki kuma jiro inaynu xalqadii hore si fiican ufahanay oon wax su'aal ah laga qabin, waxaynu kaga soo hadal nay qaybta hore ee hagaajinta website ka amaba luqada qalaad lagu magacaabo Editing.

    Qaybtan labaad ee maantana waxaynu kusoo qaadan doona isla hagaajinta iyo qurxint website kaagii ku dhisnaa platform ka la yidhaa blog.

    Maxaynu kaga hadlaynaa xalqadan:

    • Sida loo sameeyo sub menu.
    • Sida loo soo galiyo facebook page kaaga.
    • Sida loo kala horaysiiyo Popular Posts iyo Facebook page kaaga
    • Waa maxay Layout marka la joogo blogger. Iyo waxyaabo kale.
    Fadlan ka faa'idayso darsigan, wixii su'aal ah eed qabto si toos ah iigu soo dir amaba ku soo qor qaybta Comments ka, kolba labada kaad jeceshahay, hana iga xaaraan timayn Like. 




    Monday, November 30, 2015

    Video: Sida blog gaagii wax looga badalo - Editing 1 - Part 4




    Waxaan ilaahay ugu mahadinayaa inaynu soo gaadhnay Qaybta ugu macaan uguna fiican website ka oo ah Editing. 

    Qaybta hore ee editing ka waxaynu ku barandoona topic yada hoos ku xusan:


    • Sida loo badalo eraygan " Breaking News ".
    • Sida ciwaanada warka loo soo galiyo qaybta warka dagdaga ah.
    • Sida qaybta searching ka qoraalka ku dhex qoran looga badalo.
    • Sida loo badalo qoraalka ku dhex qoran qaybta Email Subscription.
    • Sida loo badalo erayga " Read More "
    • Sida sub-menu loo masaxo oo looga dhigo menu.


    Kabogo casharka qaybtiisan hore ee lagaga hadlayo inta sare ku xusan.

    Fadlan hadii aad ka faa'idaysato ha igala bakhaylin inaad Like garayso si aan u dareemo inaad xiisaysay casharkan. 





    Mahadsanidiin

    Saturday, November 21, 2015

    Sida web kaagii loo soo galiyo Qoraal, Video, Sawir, link iyo sida looga badalo color ka ..







    Sidaad xalqadii horeba arkayseen waxaynu badalnay muuqaalkii web keena inagoo ka badalnay template aan qurux badnayn una badalnay mid indhaha soo jiidanaya inagoon wax codes ah isticmaalin sidaan horeba idiinku balan qaaday.

    Qaybtii Saddexaad:

    Maantana xalqadan waxaynu ku qaadan doonaa sida webkaaga loo soo galiyo qoraal, video, sawir loogana badalo color ka iyo sida loo wayneeyo sawirkaaga amaba loo yareeyo iyo sida loo galiyo web ka.

    Fadlan hadii aad ka faa'idaysato ha igala bakhaylin inaad like garayso aqoon fidinta awgeed iyo muxtarif ka aan kaala bakhaylayn wax kasta oo cusub faa'idana leh.

    sababtoo ah Like waxay ii faa'idaynaysaa inaan ogaado in darsigan uu ku cajabiyay iyo inkale, balse ka waran hadaanaad Like garayn????








    Friday, November 20, 2015

    Sida loo badalo template kaaga - part 2






    Xalqadii hore waxaynu kaga soo hadalnay Sida loo sameeyo website adigoon isticmaalayn wax codes ah. Xalqadan oo dabasocota taa hore waxaynu ku baran doonaa badalida template ka.

    Waamaxay Template ?

    Si aad su'aashan jawaabteeda u garato una fahanto waa inaad download garaysaa buug ka kooban 4 page oo PDF ah kuna qoran af-sooamaali oo aan anigu qoray. Buugaa waxaad ka faa'idaysaa waxyaabo badan oo kaa hor imanaya markaad samaynayso website.

    Buugaas waxaan link giisa kuu dhigay video ga hoostiisa.

    Template kana waxaan kuu dhigay video ga hoostiisa.
    Fadlan hadii aad ka faa'idaysato darsigan ha ilaawin inaad like garayso aqoon fidinta awgeed iyo muxtarif ka aan kaala bakhaylayn wax kasta oo cusub faa'idana leh.




                                 


    Waakan Buugu:

    Muxtarif.Pdf

    Waakan Template Ku:

    Template




    Monday, November 16, 2015

    Video: Sida loo sameeyo website adigoon isticmaalayn wax codes ah






    Waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aan oofin lahaa ballantaan qaaday oo ku saabsanayd sida loo sameeyo website adigoon u baahnay inaad qorto codes fara badan amaba aad noqoto website developer, balse kaliya aad si fiican ula socoto duruustan taxanaha ah, 
    kadib markaad dhamayso waxaad arki doontaa farqiqa udhexeeya markaad bilaabaysay duruustan iyo markaad dhamayso, adigaana qiyaasi kara inaad muxtarif wax ka faa'iday iyo inkale.

    Fadlan download garayso PDF kaan link giisa kuu dhigay video ga hoostiisa si aad u akhrido qoraal muhim ah oo ku saabsan waxyaabaha
    aad u baahantahay inaad barato markaad samaynayso website ka, qoraalku wuxuu ku qoran yahay Somali.

    Fadlan hadii aad ka faa idaysato darsiga maanta ha ilaawin inaad Like/Share garayso aqoon fidinta awgeed iyo muxtarif ka aan kaala
    bakhaylayn wax kasta oo cusub faa'idana leh.





    Waakan Buugii:


    Wednesday, September 2, 2015

    Sida loo duubo shaashada computer ka -TUTORIAL ONE

    Kadib markay asxaabta qayb ka mid ah igu badiyeen su'aal ku saabsan sida loo duubo shaashada computer ka waxaan diyaariyay duruus TUTORIAL ah anigoo ka jawaabaya dalabkaa ka yimi asxaabta qaaliga ah.


                                                         

    Si aad uduubto shaashada computer ka waxaad ubaahantay inaad soo download garayso barnaamij layiraa CAMTASIA STUDIO 8 waanta barnaamijka ugu fiican duubista computer ka islamarkaana waa version kii ugu dambeeyay ay bixisay shirkada caanka ah ee TECHSMITH. waxaad ka helaysaa barnaamijka video ga hoostiisa.








    Camtasia Studio 8