Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Thursday, December 10, 2015

sidee loo iibsadaa domain name loona diiwaan galiyaa website kaaga part 7






Waxaynu kusii dhawnahay gabagabaynta blogger ka, maanta waxaynu xalqadan kaga hadli doonaa sida loo iibsado domain name.

Waa maxay Domain Name?

Domain Name waa maga website kaagu uu yeelan doono (Tusaale ahaan: magacaaga.com).
Domain Name ka waa la iibsadaa markaad ubixinayso website kaaga adigoo isticmaalaya laba card oo layidhaa Visa Card & Master Card midkood, kolba kii aad haysato.


Muxuu faa'ido leeyahay Domain Name?

Domain Name waa magaca kaliya ee ugaarka ah website kaaga waxaana uu u kala baxaa laba qaybood oo kala ah:
  • Full Domain
  • Sub Domain
Full Domain waa mid adiga kuu gaar ah sida (magacaaga.com).
Sub Domain waa mid ku dhex jira full domain sida (magacaaga.shirkadkale.com).

Full Domain wuu ka fiican yahay Sub Domain kana xirfadaysan yahay, waana la isku halayn karaa si kalsooni buuxda ku jirto.
Full domain waxa uu kuu sahlayaa inaad isticmaasho ciwaano ka duwan kuwa kale ee sida gmail ka ah, tusaale ahaan waxaad isticmaalaysaa (magacaaga@magacaWebsitekaaga.com) amaba (info@magacawebsitekaaga.com).

Waa imisa qiimaha iibkiisu?

Markasta waxay ku xidhantahay shirkada aad la xidhiidhayso amaba aad ka iibsanayso.


Maheli karaa domains kala duwan oo fara badan hal mar?

haa waad heli kartaa, tusaale ahaan waxaad hal mar wada iibsan kartaa (magacaaga.com & magacaaga.net & magacaaga.org).

Visa Card ama Master Card ma heli karaa?

Inta badan ka heli maysid wadamada soomaalida sida Somalia, Somaliland, Jabouti, iyo Puntland balse waxaad ka heli kartaa intii ka baxsan kuwaas, qiimuhuna ku xidhanyahay kolba wadan kaad ka iibsanayso sida uu uhelo card kaas, tusaale ahaan hadii uu safar dheer ugu yimaado lacagtuna way kordhaysaa.

Intaasi waa su'aalihii aad iwaydiin lahayd, hadii aad kuwa kale hayso, ila soo xidhiidh su'aashaadana hanoqoto mid cad oo waadax ah.





Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →

0 comments:

Post a Comment