Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Showing posts with label FACEBOOK. Show all posts
Showing posts with label FACEBOOK. Show all posts

Tuesday, February 9, 2016

Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta



Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta.

Shirkada Facebook waxay usaamaxday isticmaalayaasha App keeda loo yaqaano Facebook Messenger inay ku ciyaarikaan game ka loo yaqaano chess oo si qarsooni ah ugu jirtay Facebook Messenger ka muddo badan balse shirkadu aanay ogaysiin isticmaalayaasha App kan.

Ciyaartan oo qofkastaa la ciyaari karo qofkuu doono ayaad la bilaabi kartaa sxb kaa adigoo kudhufanaya qofkaad doonto inaad la ciyaarto kadibna ku qoraya halka fariimaha laga diro @fbchess play.

Si aad dhagaxa ugu dhaqaajiso afargeeska E4 waxaad qoraysaa @fbchess Pe4 tusaale ahaan. Si aad wax badan u barato erayada la qorayo waxaad ku qortaa meesha fariimaha @fbchess help.
Dhagaxaanta hadaynu ka tilmaamno qaar kamid ah magacaantooda waa:
K  oo ah boqorka.
Q  oo ah boqorada.
B  oo ah maroodiga.
N  oo ah faraska
R iyo P   oo ah Rook iyo Pawn.

Sidoo kale waxa jira erayo badan oo qarsoon oo ay ka midyihiin @fbchess resign  si aad u joojiso ciyaarta, iyo erayga @fbchess stats si aad u eegto dhibcaha adiga iyo saaxiibkaa ku kala sarayseen, iyo erayga @fbchess play white ama @fbchess play black si aad kalarada( colors ) u badbadasho.


Waxa la tilmaamay inaan la ogayn xiliga Facebook ay kusoo dartay Messenger ka ciyaartan, balse website ka ay ku doodaan bulshadu ee la yidhaa Reddit waxay sheegeen in ay jirtay ciyaartani ilaa December tii la soo dhaafay.




Contact us to day!

On Facebook:      www.facebook.com/muxtarif
on website        muxtarif.blogspot.com
on Youtube        abdishakur channel

Thank you!

Friday, October 9, 2015

Sida Note Loogu Qoro Facebook Halkaad Qori Lahayd Post.




Asalaamu Calaykum.

Waxaynu wada naqaanaa sida facebook post loogu qoro si ay u arkaan asxaabtaada amaba guud ahaan wadankaagu. Balse waxaad qori kartaa note badalka post.

Waxaana qurux badan labada marka la isbarbar dhigo Note ka. Sababtoo ah waxa uu leeyahay khad balbalaadhan oo ciwaan ku qurux badan.

Si aad Note u qorto raac talaabooyinkan:

Facebook gaaga gal kadibna halka ay ku qorantahay www.facebook.com ubadal www.facebook.com/notes


Kadibna ku dhufo halka ay ku qorantahay +Write a Note



Kadibna halka aan ku qoray numberadan kuqor sidan hoose:

1- ku dhufo si aad ugu darto sawir.
2- ku qor ciwaan ka Note ka.
3- ku qor qoraalka Note ku ku saabsan yahay

Sida sawirkan kaaga muuqata



















Markaad uqorto sidan oo kale

kudhufo halka ay ku qorantahay Puplish



Halkaana waxaad ku dhamaysay sida facebook Note loogu qoro.


Intaynu ku kulmi doono darsi dambe haduu alle qadaro nolol iyo joogitaan waxaan kaaga tagayaa 

Asalaamu calaykum waraxmatul lahi wabarakaatu.


Link ga sharaxa loo adeegsanayaa waa:

www.facebook.com/notes


Hadii aad rabto inaad Note ku qorto Page kaaga adeegso link gan:

www.facebook.com/MagacaPageka/notes

Monday, October 5, 2015

Video: muuqaal cusub oo qurux badan ubadal facebook gaaga HD



Markaan arkay qurux da iyo dabacsanaanta uu leeyahay muuqaalkan cusubi waxa aan go'aansaday inaan idin la wadaago, si aad iigula raaxaysataan muuqaalkan.

Muxuu ku fiicanyahay Muuqaalkani?


Waxa uu ku waanaagsan yahay inuu kuu habaynayo dhamaan qaybihii kaa kala tagtagsanaa si qurux badan oo cajiib ah isagoon ka tagayn muuqaalkii rasmiga ahaa ee facebook gaaga ee ka koobnaa cadaan iyo buluuga. Sidoo kale si fudud ayaad uga noqon kartaa uguna celin kartaa muuqaalkan.

Extension ka sharaxa loo isticmaalay waxaad ka helaysaa video ga hoostiisa,

Fadlan hadii aad ka faa'idaysatay ha ilaawi inaad Like/Share garayso aqoon fidinta awgeed iyo Muxtarif ka aan kaala bakhaylayn wax kasta oo cusub faa'idana leh.


              Daawo sharaxa oo video ah::::::::::::::                   





Extension ka sharaxu waa kan:



Waxaad ka daawan kartaa video ga channel kayga

Tuesday, September 22, 2015

Video: Siro Aanaad Ogayn Oo Ku Jira Facebook Gaaga!!!!!





Waxa Facebook gaaga ku jira buttons farabadan oo aanaad arag oo ku jira settings kaaga waana kuwa ka ilaalinaya Facebook gaaga in la hack gareeyo iyo kuwo ku ogaysiinaya marka uu saaxiibkaa rabo in uu wax kugu soo Tag gareeyo.

Sidoo kale waxaad maamuli kartaa Page ka aad ku leedahay Facebook gaaga adigoo Off garaynaya marka aad doonto hadana On garaynaya markale adigoon wax dhib ah la kulmayn.

Waxyaabaha kale ee qarsoon waxa ka mid ah in Facebook gaaga dhamaan Pages ka aad ku jirto iyo dhamaan Group yada aad ka maamulikarto bartaas adigoo Group ka aad doonto dooranaya in dhamaan Posts kiisu kuu yimaadaan ( All Posts ) ama ay kuu yimaadaan kuwa ugu caansan ( Hilights ), sidoo kale aad iska Off garayn karto Page ka aad ku jirto ama Group ka adigoon ka baxayn Page ka ama Group ka.

Kuwaas iyo kuwa kale oo qarsoona ayaa ku jira Facebook gaaga.

Fadlan hadii aad ka faa'idaysato ha ilaawin inaad Like garayso Aqoon faafinta awgeed iyo Muxtarif ka aan kaala bakhaylayn wax kasta oo faa'ido leh ama cusub.

Kugu sii badin maayo hadalka waxaan idiin kala tagayaa idinka iyo sharaxa.


                          Daawo sharaxa oo Video ah:                                 





Booqo channel ka aan ku leenahay Youtube ka:


Monday, September 21, 2015

Video: Sida Facebook ga Looga Xidho Videos Ka Xunxun.




Waxaad wada ogtiin dhamaantiin in Facebook gu uu yahay website ka ugu balaadhan ee ay isticmaalaan malaayiin qof oo ku nool daafaha dunida, sidaa daraadeed tiradaa faraha badan leh waxay soo dhigaan maalin kasta Posts kala duwan iyo Videos iyagoo kala dhaqan ah, markaa waxaad ku khasbantahay inaad dhaqankaaga ilaashato iyo diintaada.

Hadaba xalqadeenan maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa sida looga xanibo facebook gaaga video yada xunxun ee ay soo dhigaan asxaabtaada amaba kuwa kale ee aad kala dhaqan tihiin.

Fadlan hadii aad ka faa'idaysato ha ilaawin inaad Like garayso fidinta awgeed iyo Muxtarif ka aan kaala bakhaylayn waxkasta oo faa'ido leh oo cusub.



                     Daawo video gan hoose:                   



Thursday, September 17, 2015

Kasaar barxada facebook gaaga qofka aad doonto, Uguna saraysii qofka aad doonto.

Waxay facebook suuro gal ka dhigtay in qofku page ka ugu horeeya ee facebook giisa ee loo yaqaan barxada(Home) uu awood uleeyahay
inuu usoo saraysiiyo posts ka ay qoreen asxaabtiisa khaaska ah ama pages ka uu jecelyahay, si ay markasta uga muuqdaan xaga ugu saraysa ee barxada. Waxaanaad u diidi kartaa barxadaada qofka aad doonto adigoo kasaaraya barxada.

Si postska ka imanaya pages ka aad jeceshay aad usoo galiso barxada halka ugu saraysa, waxaad tagtaa isha yar ee kamuuqata dhinaca midig ee sare kana dooro ' News Feed Preverences ' kadibna ka sii dooro ' Prioritize who to see first ' kadibna ku
dhufo asxaabta aad doonayso iyo Pages ka aad rabto inay xaga ugu sareeya ee barxada ay yimaadaan kuna dhufo ' Done '

Si aad uga mamnuucdo mid ka mid ah asxaabtaada inuu barxadaada waxa uu qoray kasoo muuqdo ku tusaalii hore soo raac kadibna
kudhufo halkay ku qorantay ' Unfollow people to hide their posts ' hadii aad rabto inaad ka noqotana ku dhufo
' Reconnect with people you unfollowed '



Mawaxa dhib kugu noqday talaabooyinka la raacayo,
                            Daawo Video gan hoose:::: :                                


Waligaa ma istiri waxaad helaysaa page ka mulkiilaha Facebook ka??

Waligaa ma istiri waxaad heli kartaa Page ka mulkiilaha Facebook ga Mark Zuckerberg???

Sidoo kale waligaa ma is tiri waxaad arkaysaa shirkada Facebook gudaheeda iyo shaqaaleheeda iyo sida ay u shaqaynayaan????

Dhamaantood waxa kuu fududeeyay muxtarif. Fadlan Like garee muxtarif page keena.

Waakan Page ka Mark Zuckerberg:

www.facebook.com/Zuck

Waakan Video ga gudaha shirkada facebook ga:

https://www.facebook.com/zuck/videos/10102367711349271/






Ugu dambayn Facebook waxay soo wadaa Dislike Button.

facebook ugu dambayntii waxay soo wadaa button sannado badan la waydiinayay oo ah dislike !
Sikastaba ha ahaatee Mark Zuckerberg waxa uu ka dhawaajiyay maanta in uu soo saari doono button kaas.
waxaanuu yiri: ' Waxaan filayaa inay dadku i waydiiyeen wax ku saabsan Dislike button sannado badan. Maanta waa
maalin gaar ah, sababtoo ah waa maalin aan oran karo maanta waanu ku shaqaynaynaa dislike button ka waanaan sii
daynaynaa markay tijaabadu dhamaato.' waxaana uu ku gabo gabeeyay hadalkiisa: ' Tani miyaanay ahayn shaqadaanu uqabano dunida'



Monday, September 7, 2015

Sidee hacker ku udhici karaa +100 facebook !!!

Dhibaatada ugu badan ee haysata bulshada tira badan ee isticmaasha facebook ga waxa weeyaan in hacker ku uu sameeyo page u eeg ka facebook ga oo uu ku develop gareeyay isla markaana uu ku daray links u saamaxaya inuu si fudud u helo Username kaaga iyo Password kaba marka aad galiso page kaa khiyaamada ah ee u eeg ka facebook ga.





Sideed iskaga ilaalin kartaa????

Si aad uga taxadirto in sifudud loo dhaco facebook gaaga, waa inaad iska ilaalisaa inaad website yada ajnabiga ah ee aanaad garanayn inaad wax kasoo share garayso, sababtoo ah markaad ku dhufato share with facebook waxa laga yaabaa inuu page kaa ku badalay page kale oo ah khiyaamo.


Ujeedada laguu barayo:

Muxtarif waxa uu ugu tala galay kaliya security ahaan inaad u qaadato si aad iskaga ilaaliso hacker ku inuu si fudud ku xado facebook gaaga.



Daawo sharaxa oo Video ah::::::::::::::::::::::::::::::::::





Website ka sharaxa:





Friday, September 4, 2015

sidee loo loo ogaadaa inta uu jiray facebook gaagu pages ka aad like garaysay tiradooda. HD

Arday dhigata jaamacada Cambridge oo developers ah ayaa sameeyay tool yar oo ku ogaysiinaya inta uu jiray facebook gaagu pages ka aad like garaysay iyo da'da profile kaaga. Waxaana lagu tijaabiyay arday gaadhaysa 31, kuwaasoo wax ka barta jaamacada Cambridge.

Wuxu ku fiicanyahay:

Tool kani waxa uu ku fiicanyahay inuu tiro sax ah kaaga sheegayo pages ka aad like garaysay - balse markaynu eegno facebook ga, isagu awood uma laha inuu kusiiyo tirada pages ka aad like garaysay adiga oo tiriya mooyee.

Ceebihiisa:

Tool kani awood umalaha inuu si dhab ah u sheego da'da saxda ah ee uu jiro profile kaagu, balse wuxu ku siinayaa da'da qiyaasta ah (Tusaale ahaan: 21 iyo wiixii ka wayn ayuu oranayaa).

Amnigiisa:

Toolkani ma isticmaalayo haba yaraatee wax script ah oo lagugu basaasayo, waxaanuu si toos ah ugu jiraa website ka rasmiga ah ee jaamacada Cambridge.


Daawo sharaxa oo video ah:::::::::::::::::::::::::::::::::::::::







Sawir:






Cambridge Facebook Tool:

                                      

Thursday, August 27, 2015

sida computer ka loogu shubo facebook massenger - by muxtarif

ASALAMU CALYKUM 

Darsigan maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa sida computer ka loogu shubo facebook massenger adigoon wax dhibaato ahna aan kala kulmayn, waana hab shaqaynaya %100.

                                                     
Marka aad daawato video gan waxaad ka helaysaa barnaamijka video ga hoostiisa.

fadlan hadii aad ka faa'idaysato darsiga ha igala bakhaylin inaad 

Like garayso islamarkaana aad Subscribe garayso aqoon faafinta

awgeed iyo muxtarif ka aan kaala bakhaylayn waxkastoo cusub.


Daawo sharaxa oo video ah:::::::::::::::::::::::::::::::::::::







Download Facebook Massenger: