Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Monday, December 28, 2015

Shirkadahee akhriyi kara fariimahaaga, kuwee se aan akhriyi karin?

                                           


Yaa akhriyi kara fariimahaad dadka udirtay?

Maalin ba maalinka kadambeeya waxa warwar ka haystaa isticmaalayaasha website yada(tusaale: facebook) iyo apps ka (tusaal: viber) lagu kulmo in ay shirkaduhu akhriyaan fariimahooda amaba ay daawadaan, balse ma kala taqaanaa shirkadaha akhriyi kara fariimahaaga iyo kuwa ka maarmay fariimahaaga een u baahnayn inay akhriyaan.

Shirkadahani ma awoodaan inay akhriyaan fariimahaaga:

1- Apple: app kan apple ee layiraa IMessage waxa uu encrypt gareeyaa fariimaha isagoo ku tiirsan end to end encryption, kaas oo loola jeedo inaanay suuro gal ahayn in la arko fariimaha ilaa laga eego mobile lada isticmaalayaasha oo kaliya, mana arki karto shirkada Apple fariimahaas, kaliya waxay shirkada Apple arki kartaa
fariimahaas marka uu isticmaaluhu copy fariimihiisa ah u upload gareeyo Icloud.

2- What is up: shirkadani waxay ku update garaysay what is up keeda encryption ka end to end iyadoon cadayn arintaas ilaa hada balse si qarsoon ugu dirtay macaamiisheeda, waxaanay sheegatay shirkadani inaanay ku kaydin server radeeda fariimaha ay dadwaynuhu isku dirdiraan, taas oo macneheedu tahay inaanay u dhiibi karin maxkamadaha
fariimo ay isku direen dadwaynuhu hadii uu fal amni darro ah dhaco xataa.

3- Talagram: isticmaaluhu waxa uu ikhtiyaar uleeyahay inuu gabi ahaanba khaas ka dhigo fariimihiisa, shirkaduna waxay diyaar la tahay end to end encryption marka uu qofku doorto fariimaha sirta ah si ay shirkadu iska xanibto inay aragto fariimahaas uu doonayo isticmaaluhu inay sir noqdaan, balse fariimaha caadiga way arki kartaa shirkadu
waxayna ku kaydisaa server radeeda.

4- Signal: waxa uu isticmaalaa app ka Signal ee shirkada Open Whisper Systems encryption ka noociisu yahay end to end, waxaanay si toos ah ugu cadaysay website keeda inaanay daalacan fariimaha isticmaalayaasha balse ay iska qariso inay aragto fariimahaas.

Shirkadahani way akhriyi karaan fariimahaaga:

1- Kik: App kan fariimaha lagu diro ma laha encryption ka noociisu yahay end to end ee shirkaduhu iskaga ilaaliyaan inay fariimaha dadwaynaha iska qariyaan, waxa layaab badan inay shirkadani marka macmiilka A udiro macmiilka B isla markaa uu helo macmiil B fariintaas in si toos ah loo delete garaynayo awoodna aanay ulahayn
labada qofba inay fariintaa dib u arkaan.

2- Facebook: Shirkadani waxay dhexda u fadhidaa labada qof ee fariimaha isku diraya iyadoo awood buuxda u leh inay udiido hal qof inuu qofkale fariin udiro, sababtoo ah fariinta uu diro qofku waxay sii martaa server rada facebook, tani waxay dhacdaa marka user ku isticmaalayo facebook massenger amaba instagram, taas oo macnaheedu yahay
in shirkadani ay soo bandhigi karto falalka amni darro.

3- Google: waxa la encrypt gareeyaa fariimaha ka soo baxa app ka layidhaa Hangouts ee maraya server rada google ka hor inta aanuu helin qofka kale, waanay akhriyi kartaa shirkadu hadii ay ubaahato, waxaanay isticmaashaa google encryption kale markay diidayso in qofkale akhriyo fariimaha dadka, waxayna haysataa furaha encryption ka oo ay awood
u leedahay inay akhrido una dhiibto waaxaha amniga.

4- Skype: App ka skype ma isticmaalo end to end encryption, waxay ku kaydisaa server radeeda fariimaha dadka wakhti yar, taas oo macneheedu yahay inay gudbin karto fariimahan marka looga baahdo

5- Twitter: waxay kaydsataa fariimaha dadwaynaha waanay gudbin kartaa.

6- Snapshat: waxay la mid tahay Google.

Encryption waa maxay?

Erayga Encryption waxa loo isticmaalaa Network ga.

Encryption: Marka qof network ga ka mid ah diro fariin una diro mid kale oo isla network ga ku jira fariintaasi intay 
dhexda sii socoto si aan loo helin loona akhriyin waa la encrypt gareeyaa, oo macnaheedu yahay waxa loo badalaa xuruuf
kala jeed jeeda oo aan la akhriyi karayn, waxa kaliya akhriyi kara shirkada ka masuulka ah fariimahaas iyadoo isticmaalaysa
Encryption key oo ah fure, hadii aad hesho furahaas waxaad akhriyi kartaa fariin kasta oo la Encrypt gareeyay.

Encryption noocyuu leeyahay:

Waxa ka mid ah end to end: hadii la isticmaalo fariimaha lama akhriyi karo, kaliya waxa akhriyi kara sida magaca ka muuqata kadiray iyo ka helaya(end to end).

Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →

0 comments:

Post a Comment