Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Saturday, March 5, 2016

Dheeraysii computer kaaga oo nadiifi adigoo isticmaalaya kaspersky cleaner

Barnaamijka kaspersky Cleaner waa barnaamij cusub oo version kii uhoreeyay ee lasoo saaro ah, waxaana samaysay shirkada Russian ka ah ee Kaspersky, waxaana laga download garaysan karaa website ka shirkada isagoo bilaash ah.



Waxa barnaamijkan loogu talo galay in lagu khafiifiyo computer ka iyadoo laga qubayo dhamaan faylasha ku meelgaadhka ah ee la yidhaa temporary files, iyo faylasha aan computer ku ubaahnayn, iyo waxyaabaha windows kaaga khilaafsan oo dhan. Barnaamijka markaad install garaynayso waxaad u baahantay internet, waxa kuu soo baxaya file yar oo calaamada antivirus ka oo kale leh, kadib markaad ku dhufato isagaa si automatically ah uga soo download garaynaya internet ka.


Markaad download garayso eed furto waxa kuu soo baxaysa daaqad yar oo fudud sida sawirka sare ka muuqata. Waxaad ku dhufataa START SCAN, kadib wuxuu baadhayaa dhamaan faylasha oo dhan, button kaas hoostiisa waxaad ku arkaysaa 4 qaybood oo uu baadhayo computer ku, markuu soo helo faylasha aan loo baahnayn oo dhan,wuxuu saarayaa calaamad cas 4 tii qaybood, waxaad ku dhufataa FIX


Markaad FIX ku dhufato calaamadii casaa oo dhani waxay isku badalayaan calaamad sax ah oo akhtar ah. Ka bacdi wuxuu kaa dalbanayaa inaad restart garayso, ku dhufo REBOOT NOW si aad imika u restart garayso, ama ku dhufo REBOOT LATER si aad hadhaw u restart garayso.


Barnaamijkan waa markii ugu horaysay ee ay shirkadu soo saartay, taa macnaheeduna waa in wax badan lagu soo dardari doono oo ay shirkadu wax ku sii kordhin doonto.


Barnaamijku waakan:

Kaspersky Cleaner




Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →

2 comments:

  1. this make my pc crash
    don't use

    ReplyDelete
  2. walaal aad iyo aad ayaad uu mahadsantahy waxa aan ahy inan ku xidhan YouTube Channel kaaga waxa aan rabaa inaad iaga caawiso sidee loo download gareysankaraa kespersky cleanner. mahadsanid

    ReplyDelete