Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Tuesday, June 21, 2016

Udiid jaarka inay helaan wireless kaaga una ogolow family ga oo kaliya



udiid jaarka inay helaan wireless kaaga una ogolow family ga oo kaliya.

Kadib markaynu xalqado hore ku soo baranay sida wireless ka looga badalo magaca iyo password ka, iyo sida loo helo username ka iyo password ka default ga ah ee router ka lagu soo iibiyo iyo sida looga badalo.

Siday wada ogsoonahay dadka jaarka ah waxay isku dayaan siday u jabsan lahaayeen wireless kaaga password kiisa, taa badalkeeda si aynu uga hortagno waxa jira hab aynu ugu diidi karno in wireless ka ay isticmaalaan dadka oo dhan marka laga reebo qoyskaaga ama dadka guriga kula jooga.

Taa macnaheedu waxa weeyaan, wireless kaaga waxa isticmaali kara kaliya dadka gurigaaga jooga, lkn qof kale xataa haduu password ka saxda uu haysto ma isticmaali karo.

Sidoo kale waxaad ogaataa dadka gurigaaga jooga in aad u diidi karo qayb ka mid ah qaybna u ogolaan karto.


Waxaynu isticmaalaynaa mac address.
Waa maxay mac address?
Mack address waa number uu iska leeyahay Network Interface Card ka ku jira computer kaaaga ama mobile kaaga, Kaas oo loogu talo galay in uu kula xidhiidho network kasta iyo device kale oo kasta.
Wuxuu ka koobanyahay 18 iskugu jira xuruuf iyo numbero, sidan oo kale:

XX:XX:XX:XX:XX:XX

si kale marka loo dhigana waxa uu ka koobanyahay 6 God oo ay u dhaxayso calaamada semi colon ama laba dhibcood oo is dulsaaran(:)

Idinku sii dheerayn maayo waxaan idiin kala tagayaa sharaxa.



















Barnaamijka sharaxa lagu sheegay waakan:

Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →

0 comments:

Post a Comment