Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Friday, January 15, 2016

Antivirus bilaash ah oo ay soo saartay Kaspersky







Maadaama oo ay jiraan dadbadan oo jecel inay helaan software ro bilaash ah oon lacag ahayn, shirkada ruushka ah ee ku caanka ah barnaamijka antiviruska ah ee kaspersky waxay isku hawshay inay macaamiisheeda u samayso software bilaash ah kanadiifiya virus ka ku jira computer rada balse aan unadiifinaynin sida imika uu unadiifiyo ka activation code ka wata.

Warkan oo lagu sheegay website ka russian ka ah ee layidhaa Russia To Day ayaa sheegay in kaspersky ay si rasmi ah ugu siidaysay isticmaalayaasha computer rada khaaska ah (personal computers) ee ku shaqeeya windows ka inay heli karaan barnaamijkan free ga ah ee antivirus ka ah.

Masuulka suuq gaynta shirkadan waxa uu carabaabay in wax soo saarkan cusubi uu ku haboon yahay dadka aan haysan lacag ay ku iibsadaan software ka activation code ka wata, sidoo kale uu yahay qayb ka mid ah siyaasada shirkada, si tijaabo ah ayuu u socon doonaa muddo 3 bilood ah oo ay arki karaan kaliya wadamada Russia iyo Ukrainian. 

Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →

0 comments:

Post a Comment