Shirkada wayn ee Microsoft ayaa hadyad usoo dirtay wiilkii hindisay saacada dhamaadkii wiigii lasoo dhaafay. Hadyadan oo ahayd shandadbay ka buuxaan qalab farabadan oo ah nooca ugu dambeeya ee caalamku soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa hadyadan Service Pro 3 oo ah
computer keedii loo yaqaanay Taplet Computer iyo Microsoft Band kii ay samaysay shirkadu samaysay oo ah saacadaha ugu qaalisan uguna dambeeyay dunida.
Waxaana sidoo kale ku jiray shandada alaabo kale ooy ka mid ahaayeen Printer 3D ah oo ay samaysay shirkada Cube, Calculator ka layiraa raspberry pi iyo sidoo kale cajalado Windows 10 iyo Office yo & tiro kale oo ah alaabaha Intelligent ga ah.
Waxaana la xasuustaa in wiilkan hore uu uga codsaday Madaxwaynaha maraykanku inuu soo booqdo aqalkiisa cad isagoo dalabkaa kusoo qoray bogga twitter ka.
Mark Zuckerberg isaguna uu hore uga dhawaajiyay in wiil kani lagu dhiiri galiyo balse aan lagu xidhin saacada uu sameeyay, isla markaana ugu baaqay inuu Axmed soo booqdo shikadda Facebook si looga caawiyo hindisida.
Waxaana uu Axmed u mahad celiyay qofkasta oo garabkiisa istaagay isla markaana gacan ka gaystay caawintiisa sida lagu sheegay wargeys.
0 comments:
Post a Comment