Skype - shirkada chatting ka ee raacsan shirkada Microsoft waxay sheegtay in yar ka hor in isticmaalayaasha qaar aanay awood u lahayn inay lahadlaan asxaabtooda khalal jira awgii, iyagoo usoo baxday fariin usheegaysa inaanay ku xidhiidhsanayn internet ka iyagoo ku xidhiidhsan intenet ka
Waxaana ay Shirkadu ku sheegtay Maqaal ay ku soo qortay blog geeda " Hadii aad gasho Skype gaaga, awood uma lihid inaad badasho xaaladaa kuu gaarka ah, sidoo kale dhamaan xidhiidhka aad dadka lasamaynaysaa mashaqaynayo oo wuxuu sheegayaa inaanaad ku xidhiidhsanayn intenet ka, xataa hadii aad ku xhidhiidhsantahay internet ka, sidaa daraadeed lama hadli kartid dhamaan asxaabtaada ".
Waxaana ay raacisay Skype " Sidoo kale waxoogaa dad ah ayaanuu ushaqaynayn Group chatting ku, balse dadka badankoodu way awoodi karaan inay diraan fariimaha ".
Waxaana ay sheegta shirkadu in xataa dadka imika iska diiwaan galinaya Skype qaar kamid ay dhib badan la kulmeen haatan, sidoo kale inaad wax ka badasho Settings kaaga waxay qaadanaysaa muddo farabadan.
Waxaana ay sheegtay shirkadu inay si dhakhso ah u hagaajinayso dhibkan, waxaana ay uga mahad celisay isticmaalayaasheeda inay ku sabreen dhibkan.
0 comments:
Post a Comment