Maanta oo Isniin 21 Sep 2015 waxay shirkada LG kashiftay Mobile cusub oo ku shaqaynaya Android System oo lagu magacaabo LG Class, waxaana uu ku fiicanyahay inuu ka samaysan yahay macdan iyo muraayadiisa oo ah 5 inches.
Waxaana ay tiri shirkadan LG oo laga leeyahay kuuriyada waqooyi in LG Class uu ka samaysanyahay macdan Svelte Metel ah si looga dhigo mid kamid ah mobile lada lagu faano dunida.
Waxaana uu leeyahay Screen ( Muraayad ) 5 Inches ah iyo Accuracy 1280*720 Pixel, waxaana uu leeyahay quraarad sare oo kaga soo laaban labada hareerood, sidoo kale waxa udheer Back Camera ( Camerada dambe ) oo Accuracy geedu yahay 13 MegaPixel iyo mid hore oo ah 8 MegaPixel.
LG Class waxa uu ku shaqaynayaa Version ka 5.1.1 Lollipop oo ah Android OS, sidoo kale Processor noociisu yahay Qualcomm Snapdragon 410 iyo Random Access Memory 2 GB ah, iyo 16 GB oo ah Interior storage space extensible.
Waxaana uu culayskiisu dhanyahay 147 Gram, waana 4G.
Waxaanay go'aansatay shirkadu in Mobile keeda LG Class ka iibiso dhamaan shirkadaha kuuriyaanka ah ee jooga gudaha wadanka kuuriya iyadoo ka siinaysa qiimo dhan $339.
Manay sheegin shirkadu war ku saabsan xiliga laga iibinayo caalamka inta kale.
0 comments:
Post a Comment