Shirkada Apple ayaa Maqaal qoraal ah ku sheegtay in maanta oo Isniin ah ay %50 kamida Intelligent Devices keeda lagu isticmaalayo imika Version 9 ka cusub Operating System keeda, iyadoo sheegtay inuu yahay Version kii ugu fidi taanka badnaa taariikhda shirkada Apple ilaa imika.
Waxaana maqaalkani uu ina xasuusinayaa markay go'aansatay shirkada Apple inay siidayso labadeeda Mobile ee cusub Iphone 6S iyo Iphone 6S Plus maalinka jimcaha ee dhaw.
Waxaanay sifaysay Version ka ugu dambeeya ee IOS 9 inuu yahay ka ugu dheereeya abid taariikhdeeda, waxaana version kan cusub lagu isticmaalay %50 ka mida devices ka ay shirkadu leedahay. Waxaana la sii daayay version kan markay taariikhdu ahayd 19 Sep 2015 oo ahayd 4 cisho ka hor.
Hadaynu samayno is barbar dhig OS version 8 kii hore waxa ay ku qaadatay 8 cisho inuu soo gaadho qiimayntan. Waxaanay ku qiyaastaa tirada kolba soo booqata App Store keeda.
Waxaana uu sheegay ku xigeenka suuq geeyaha shirkadu Philip Schiller in IOS 9 uu noqon doono ka loogu isticmaalka badnaa taarikhda Apple.
IOS 9 waxa uu ka caawinayaa isticmaalaha inuu ku shaqaysto caawiyaha isticmaalaha oo loo yaqaan Personal Assistance Siri iyo inuu xasuusiiyo isticmaalaha balamaha ku kaydsan
Calender ka, waana mid ku dhadhaw Cortana Personal Assistance oo ay leedahay shirkada Microsoft, iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah sida Battery Live ka.
0 comments:
Post a Comment