Website ka ku takhasusay daba galka la socodka wararka ugu dambeeya ee Android ka ee layiraa DroidLife ayaa faafiyay magacyada rasmiga ah ee Mobile lada Google ay soo saari doonto bishan soo socota.
Waxaana uu sheegay Website ku isagoo ku hadlaya afka Google in Magacyada Mobile lada cusub ay yihiin " Nexus 5X " oo ay samaysay shirkada LG iyo " Nexus 6P " oo ay samaysay Hawai, waxaana uu ku daray in Magacyadani ay isbadali karaan ka hor inta aan la soo saarin Mobile ladan 29 September ta soo socota.
Waxaana ay baahintu sheegtay in Nexus 5X Screen (Muraayadiisa) kiisu tahay 5.2 inch 1080 Pixel iyo processor kiisa oo ah snap dragon 808 iyo Random Access Memory 2 GB ah, sidoo kale Back Camera 12.3 Megapixel iyo ugu dambayn Battery capacity of 2700 mAh.
Balse Mobile ka kale ee ah Nexus 6P waxa uu ku imanayaa Screen (Muraayadiisa) 5.7 inch ah iyo Display resolution 2k iyo Processor snap dargon 810 frequency of 1.9 GHz iyo Random Access Memory oo 3 GB ah. Dhinaca Camera da dambana waa 12 MegaPixel kuna duubi kara
Video ga 4K
Waana markii ugu horaysay ee ay shirkada Hawai ka caawiso shirkada Google inay u samayso Mobile kan Nexus 6P, balse shirkada Google hore ayay ugu samaysay Mobile kan Nexus 4 sannadii 2012 iyo Nexus 5 sannadii 2013.
Waxaana xasuus ah in shirkada Google shalay Jimcii martiqaadkii Converence (shirka) ga aanay ku sheegin Noocyada Mobile lada ay soo saarayso.
Booqo Channel ka Google
0 comments:
Post a Comment