Waxay shalay Facebook sii daysay tool cusub si ay suxufiyiinta ugu soo celiso inay jeclaadaan Facebook ga isla markaana wararka ka diyaariyaan Shirkada Facebook. Waxaana loogu talo galay tool kan inay suxufiyiintu ku wadaagaan Sawirada, iyo video yada googooska ah.
Waxaana lagu magacaabaa toolkan cusub ee Facebook magaca " Signal " Waana hab cusub oo shirkada Facebook ay ku soo jiidanayso
Media ha intay ku mashquuli lahaayeen Shirkada tartanka kula jirta ee Twitter, mana aha markii ugu horeeyay ee Facebook caawiso Suxufiyiinta, hore waxay u soo saartay Apps lagu caawinayo Media ha.
Waxaana ay badanaa udagdagaan Suxufiyiintu Website ka Twitter, Si ay u helaan wararka dagdaga ah, balse waxaad moodaa inay Facebook go'aansatay inay kula tartanto Twitter.
Ujeedada loo sameeyayna waxay ku cadaysay Facebook Page keeda in ay ugu tala gashay tool kan inay ku xidhmaan Suxufiyiintu Facebook ga iyo Instagram. Waxaana uu toolkani ku tusayaa wararka aadka loogu hadal badan yahay si ay Suxufiyiintu iskugu daraan oy ka sameeyaan warar kala duwan.
Sidoo kale shirkadda Twitter waxay hore usamaysay tools noocan oo kale ah oo kashifaya wararka loogu akhriska badan yahay sida tool ka layiraa "Project Lightining"
Intaa kuma dhama, sidoo kale twitter waxay hore usoo saartay tool kale oo layiraa "Collection" laakiin isticmaalkiisu yaryahay
Sidoo kale twitter waxay leedahay tool kan shabaha " Signal " oo layiraa "Curator"
Facebook na hore waxay u sii daysay Service wararka lagu baahiyo 2014 oo layiraa FB Newswire iyo mid kale oo layiraa FB Techwire.
0 comments:
Post a Comment