Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Friday, September 18, 2015

Shirkada Mozilla oo loogu deeqay lacag fara badan si ay shaqo ugu qabato.





Waxa maanta la gudoonsiiyay shirkada Mozilla lacag dhan 3.2 Million Doller oy ku deeqday xukuumadda Maraykanku, si ay u ballaadhiso shabakadaha internet ka, iyo inay xalal u keento xalal khuseeya Magaalooyinka Maraykanka oy ku magacaabeenm" Intelligent Cities " ( Magaalooyink Maskaxda Badan).

Waxaana ay ka bilaabaysaa shirkadda Mozilla inay horu mariso Apps ku base garaysan internet ka oo ay sameeyeen kooxda Gigabit si ay u daboosho baahiyaha Magaalooyinka Maraykanka

Waxaana ay sheegtay shirkadani in lacagtani ay ka soo gaadhay ( NSF ) National Science
Foundation.

Mashruucan balaadhinta internet ka Magaalooyinka Maraykanka waxa lagu qiyaasay speed kiisa uu ku gudbinayo data da 1 GB per second ama wax u dhigma 1000 MB per second, waxaana lagu tiriyaa technology yadan mid ka dheeraysa in ku dhaw 250 labalaab speed ka internet ka la isticmaalo imika.

Waxaana fursad ah in xukuumada Maraykanku ay ku dartay lacagtaa hore qiimo gaadhaya 160 Million oo doller si ay shirkadu u keento baadhitaanada iyo horumarinada internet ka dheereeya ee imika ay isticmaalaan Magaalooyinka Maraykanku.

Waxaana tartamaya Magaalooyinka Maraykanka kadib markii aqalka cad looga baahiyay inay ka faa'idaystaan technology yada cusub, si ay hoos ugu dhacdo tirada dilalka, iyo si uu ukordho dhaqaalaha Maraykanku.

Waxaana tartankan ku jira in kabadan 20 Magaalo oo Maraykanka ah, Waxaanay dajinaysaa Mozilla inay u adeegsato lamidawga shirkada US Ignite oo u hawlan markasta inay horumar iyo faafinba ku samayso Apps ka ku xidhan internet ka dheereeya.

Waxaanay la shaqaynaysaa Mozilla 30 Partner si ay u horu mariso una tijaabiso 17 App oo u gaar ah internet ka Magaalooyinkaas.










Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →

0 comments:

Post a Comment