Dhibka ugu wayn eed mobile ka ku shaqeeya Android System uga caban kartaa waa culayska Processor ka ku jira mobile kaaga. Hadaba maanta waxaynu isku dayaynaa inaynu gaadhsiino Processor ka ku jira Mobile kaaga Speed ka ugu sareeya ee uu ku shaqayn karo.
Marka hore ogow Processors ku way kala duwan yihiin dhinaca Version nada iyo dhinaca Shirkada soo samaysay, sidoo kale Speed ka ugu fog ee uu gaadhi karo way ku kala duwan yihiin.
Muxuu Faa'ido Leeyahay Kordhinta Speed Ku?
Waxa uu kuu faa'idaynayaa inaad ku ciyaarto Games ka si fudud oo aanaad dareemin wax culays ah ama Mobile ku inuu is qabto oo uu shaqayn ba waayo. Sidoo kale Video yada HD ga ah ayaad ku daawan kartaa, waxaad arkaysaa farqi wayn oo u dhaxeeya markii hore iyo markan dambe.
Marka hore waxaad soo Download garaysaa App kan adigoo ku dhufanaya sawirkan hoose.
Kadibna ku install garee Mobile kaaga sidii caadiga ahayd.
Markaad ku install garayso ee aad ku dhufato waxa kuusoo baxaya Sawirkan.
Waxaad aragtaa tiro ku qoran halka ugu saraysa oo ah 300 Macnaheedu waa Speed ka uu imika ku shaqaynayo Processor kaygu sida kaaga muuqata sawirka sare.
Labada layn ee hoose waxaad ku aragtaa tirooyin ku qoran. Macnahoodu waa:
Laynka sare waxaad ka dooranaysaa tirada ugu saraysa ee aad rabto inuu Processor kaagu ku shaqeeyo.
Laynka hoose waxaad ka dooranaysaa tirada ugu hoosaysa ee aad rabto inuu Processor kaagu ku shaqeeyo.
Tusaale:
Anigu waxaan doortay tirada ugu fog inay noqoto 2649 ta ugu hoosaysaana inay noqoto 2649 sida kaaga muuqata sawirka hoose.
Kadibna ku dhufo barta ay ku qoran tahay Set on Boot oo macnaheedu yahay si automatically ah u shaqee markasta oo aan shido mobile kayga.
Sidaasna waxaynu ku dhamaynay xalqadeena maanta. Waxa idin la socodsiinayay xalqada Abdishakur Maxamed. Intaynu ku kulmayno xalqada kale ee maanta, waxaan idin leeyahay
كل عام وأنتم بخير