Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Friday, September 25, 2015

Luxury Mobile Qiimihiisu Yahay $21,000







Shirkada British ka ah ee Vertu lamagac baxday waxay soo saartay maanta mobile cusub oo Luxury ah oo loo bixiyay New Signature Touch kuna shaqaynaya Android 5.1 ( Version kii udambeeyay )System balse qiimihiisu dhanyahay $1000 US.

Waxaana uu ku fiicanyahay Screen (Muraayad) kiisa oo ah 5.2 inches iyo Camera 21 Megabixel, waxaana aasaasay shirkadan Vertu shirkada layiraa Nokia sannadii 1998 waxaanay iibisay sannadii 2012 oo ay ka iibisay shirkado badan oo isku jira oo loo soo gaabiyo magacooda EQT.


Cufka mobile kan waxa uu dhanyahay 428 Pixel daboolkiisuna uu ka samaysan yahay Sapphire crystal.

Mobile kan layiraa New Signature Touch waxa uu ku shaqaynayaa Processor ay soo saartay shirkada qualcomm oo layiraa Snapdragon 810 64 bit oo ah Processor ka ay ubadan yihiin dhamaan Mobile ladii la soosaaray 2 todobaad ee aynu soo dhaafnay, waxaana mobile kan udheer RAM (Random Access Memory) 4 GB ah iyo 64 GB oo ah maskaxda gudaha ee mobile kan, sidoo kale waxa uu leeyahay meel laga galiyo MicroSD oo aynu unaqaano Memory Card.

Waxa inoo dhiman Back Camera (Camera da dambe) oo iyaduna 21 MegaPixel, iyo Battery Capacity giisu tahay 3.160 Milliampere.

Mobile kani waxa sidoo kale udheer Shipping Wireless Technology iyo Quick Charge 2.0 waana 4G.

Shirkadan Vertu waxay kuu raacisay Mobile keedan adeeg kuu sahlaya inaad sifudud u hesho Mobile kan haduu kaa lumo amaba lagaa xado, adeegan oo ugaar ah shirkada.

Mobile kan New Signuture Touch waxa lagu sameeyay gacanta waxaana sameeyay qof kaliya, waxaanuu ka samaysan yahay harag adag iyo Titanium, waxaana uu wataa mobile kani copy kale oo ka samaysan Gold (Dahab).

Copy ga ka samaysan haraga iyo Titanium ka waxa lagu iibinayaa qiimo dhan $10,000 balse copy ga ka samaysan dahabka waxa lagu iibinayaa qiimo dhan $21,000. Waxa laga dalbaday mobile kan in lakeeno United Kingdom si loo iibsado balse waxa iibkiisu bilaab mayaa 16 October.


























































































Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →

0 comments:

Post a Comment