Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Saturday, October 3, 2015

Microsoft Oo Go'aansatay Inay Soo Saarto Service Pro 4




Website ku takhasusay fidinta wararka Windows ka ayaa wuxu inoo faa'ideeyay in shirkada Microsoft ay go'aansatay inay soo saarto computer cusub oo ka mid ah silsilada computer rada ah ee loo bixiyay Service Pro. Website kani waxa uu soo gudbiyay in loo ogolaadaya inay arkaan Computer kan Service Pro 4 oo ku imanaya bilaa fadhi hoose marka laga reebo fadhiga dambe ee haya muraayada.

Waxa uu sheegay website ku in frame ka computer kaa loo bixiyay Smart Frame, maadaama uu computer kani uu wato keyboard waxa ay balaca muraayadiisu noqonaysaa 13.3 inches balse marka uu keyboard ka u wato si touch ah oo muraayada la taabanayo waxa balaca muraayadu ay noqonaysaa 12 inch oo muraayada qayb ka mid ah ay noqonayso hadh madaw oon waxba laga arkayn.

Balse marka si guud loo eego computer kan waxa uu sheegay website kan Center for Windows phones la yiraa in computer kan cusub ay qarsoomayso Start Menue diisu muraayada qaybi madawdahay awgeed. Waxa xasuus ah in shirkadani ay soo saarta computer kii kan ka horeeyay ee la oran jiray Service Pro 3 bishii March ee sannadkii 2014, kaas oo ahaa mid si qurux badan u cajabiyay caalamka iyo xafiisyada shaqooyinku ka socdaan.

Waxa muuqata in shirkado badani ay sida Microsoft ay soo saareen computero balaca muraayadoodu la mid yahay balacan Microsoft oo ah 12 inch, sidaa daraadeed ay ku daydeen shirkado kale maadaama ay Microsoft ku guulaysatay computer keedii hore Service Pro 3 oo balaciisu ahaa 12 inch.
waxa ka mid ah shirkadaha ku dayday Apple oo soo saartay Ipad Pro  wata qalin.

Halka ay Google kashiftay maalmo ka hor computer keedii Pixel C oo shabahaya computer rada Microsoft ee la yiraa Serivie Pro balse balacooda ka dhigtay 10.2 inch kuna shaqaynaya Android.

Use Social Websites To Share
SOCIALIZE IT →
SHARE GAREE →