Subscribe Muxtarif For Free Updates !!

Thank You For Choosing Subscribe. You Will Get !!

Tuesday, June 21, 2016

Samee virus khatar ah oo idir qofka aad doonto si uu uburburiyo 60 Service

Samee virus khatar ah oo idir qofka aad doonto si uu uburburiyo 60 Service


                                                السلام عليكم ورحمة الله وبركاته 

Virus kan khatarta ah ee aynu samayn doono waxa uu awood u leeyahay inuu shaqada kajoojiyo oo uu burburiyo
60 adeeg oo waawayn oo ka mid ah kuwa uu windows ku ka dhaqaaqo oo uu ka fadhiisto haday shaqayn waayaan

Fadlan ha u adeegsan qof muslim ah, hadaad u adeegsatana anigu kugulama jiro maalinka aakhiro, barina waan ka 
ahay.

waakan barnaamijka lagu samaynayo virus ka



Waana kan barnaamijka marka aad furto, waxa kuu soo baxaya muuqaalkan qurxoon.



Calaamad sax ah saar meelaha aad rabto in virus kan aad samayn doontaa uu burburiyo sida kaaga muuqata sawirkan hoose
iyo in computer ka aad rabto in uu qofka iska restart gareeyo, bakhtiyo, amaba uu galo hibernite.



Intaa kadib ku dhufo waranka yar ee ku yaala dhinaca midig xageeda ugu hoosaysa, si uu kuu geeyo meel kale oo aad buuxbuuxiso
oo virus ku shaqo ka qabto.



Hada waxaad ku dhufataa mar kaliya erayga "Create" si uu usamaysmo virus ka aad rabtay inaad samayso, kadibna u dir ugaadha
aad rabto inaad ku ugaadhsato si uu u burburiyo computer kooda, digtoonow waxa kuu soo baxaya muuqaalkan.



Hada waynu samaynay, udoono halka aad ku save garaysay, kadibna u dir qofka aad rabto, balse adigu ha furin hadii kale computer
kaaga ayuu burburinayaa, computer ka lagu shubo marka uu qofku is yidhaa fur file kan ayuu burburinayaa windows ka.
Ka taxadir inaad computer kaaga ku dhex furto.

Halkan ayaad ka download garaynaysaa barnaamijka furuhuna waa 123


Udiid jaarka inay helaan wireless kaaga una ogolow family ga oo kaliya



udiid jaarka inay helaan wireless kaaga una ogolow family ga oo kaliya.

Kadib markaynu xalqado hore ku soo baranay sida wireless ka looga badalo magaca iyo password ka, iyo sida loo helo username ka iyo password ka default ga ah ee router ka lagu soo iibiyo iyo sida looga badalo.

Siday wada ogsoonahay dadka jaarka ah waxay isku dayaan siday u jabsan lahaayeen wireless kaaga password kiisa, taa badalkeeda si aynu uga hortagno waxa jira hab aynu ugu diidi karno in wireless ka ay isticmaalaan dadka oo dhan marka laga reebo qoyskaaga ama dadka guriga kula jooga.

Taa macnaheedu waxa weeyaan, wireless kaaga waxa isticmaali kara kaliya dadka gurigaaga jooga, lkn qof kale xataa haduu password ka saxda uu haysto ma isticmaali karo.

Sidoo kale waxaad ogaataa dadka gurigaaga jooga in aad u diidi karo qayb ka mid ah qaybna u ogolaan karto.


Waxaynu isticmaalaynaa mac address.
Waa maxay mac address?
Mack address waa number uu iska leeyahay Network Interface Card ka ku jira computer kaaaga ama mobile kaaga, Kaas oo loogu talo galay in uu kula xidhiidho network kasta iyo device kale oo kasta.
Wuxuu ka koobanyahay 18 iskugu jira xuruuf iyo numbero, sidan oo kale:

XX:XX:XX:XX:XX:XX

si kale marka loo dhigana waxa uu ka koobanyahay 6 God oo ay u dhaxayso calaamada semi colon ama laba dhibcood oo is dulsaaran(:)

Idinku sii dheerayn maayo waxaan idiin kala tagayaa sharaxa.



















Barnaamijka sharaxa lagu sheegay waakan:

Wednesday, April 6, 2016

Sideed u heli kartaa subscribers badan




Kadib markaan arkay baahida wayn ee loo qabo kordhinta subscribers ka oo aan ka arkay suaalaha badan ee ku soo noqnoqday mudo bil ah, waxaan isu diyaariyay inaan bilaabo xalqad ku saabsan sidaad u heli lahayd subscribers badan channel kaaga adigoo raacaya talaabooyin fudud oo u sahlaya channel kaaga horumar balaadhan.

Wixii faahfaahin ah ee ku saabsan xalqadan waxaad dhigi kartaa comment ga si lagaaga jawaabo, balse wixii ka baxsan waxa qaas looga dhigay facebook page ka.













Saturday, March 5, 2016

Dheeraysii computer kaaga oo nadiifi adigoo isticmaalaya kaspersky cleaner

Barnaamijka kaspersky Cleaner waa barnaamij cusub oo version kii uhoreeyay ee lasoo saaro ah, waxaana samaysay shirkada Russian ka ah ee Kaspersky, waxaana laga download garaysan karaa website ka shirkada isagoo bilaash ah.



Waxa barnaamijkan loogu talo galay in lagu khafiifiyo computer ka iyadoo laga qubayo dhamaan faylasha ku meelgaadhka ah ee la yidhaa temporary files, iyo faylasha aan computer ku ubaahnayn, iyo waxyaabaha windows kaaga khilaafsan oo dhan. Barnaamijka markaad install garaynayso waxaad u baahantay internet, waxa kuu soo baxaya file yar oo calaamada antivirus ka oo kale leh, kadib markaad ku dhufato isagaa si automatically ah uga soo download garaynaya internet ka.


Markaad download garayso eed furto waxa kuu soo baxaysa daaqad yar oo fudud sida sawirka sare ka muuqata. Waxaad ku dhufataa START SCAN, kadib wuxuu baadhayaa dhamaan faylasha oo dhan, button kaas hoostiisa waxaad ku arkaysaa 4 qaybood oo uu baadhayo computer ku, markuu soo helo faylasha aan loo baahnayn oo dhan,wuxuu saarayaa calaamad cas 4 tii qaybood, waxaad ku dhufataa FIX


Markaad FIX ku dhufato calaamadii casaa oo dhani waxay isku badalayaan calaamad sax ah oo akhtar ah. Ka bacdi wuxuu kaa dalbanayaa inaad restart garayso, ku dhufo REBOOT NOW si aad imika u restart garayso, ama ku dhufo REBOOT LATER si aad hadhaw u restart garayso.


Barnaamijkan waa markii ugu horaysay ee ay shirkadu soo saartay, taa macnaheeduna waa in wax badan lagu soo dardari doono oo ay shirkadu wax ku sii kordhin doonto.


Barnaamijku waakan:

Kaspersky Cleaner




Friday, March 4, 2016

Baro shuruucda youtube community guidelines, waa ku khasab qofkasta oo channel leh

Baro shuruucda youtube community guidelines, waa ku khasab qofkasta oo channel leh.




Sidaynu dhamaanteen wada ogsoonahay shuruucda youtube ay ka rabto qofkasta oo channel leh, waa shuruuc ciqaabahoodu aad iyo aad u adagyihiin, dadbadana ay ku dhibtoodeen ciqaabahaas oo muddo 6 bilood ah lagu ciqaabayo halka qalad eed gasho.

Kadib markaan waayay video soomaali ah oo u sahla umada soomaaliyeed inay shuruucdaa afkooda ku bartaan, waxaan isku dayay inaan uga hadlo mawduucan oo faahfaahsan xalqad mudadeedu tahay 9 minute iyo 15 second.

Sidaad horeba uga barateen muxtarif waxa uu ku dadaalaa barida aqoonta qarsoon ee ay channels ka soomaalidu aanay ka hadal, waan fadliga ilaahay in muxtarif uu ugu horeeyo ka hadalka mawduucan.

Idinku sii dheerayn maayo hadalka waxaan idiin kala tagayaa idinka iyo xalqada, daawasho wacan.




Waxaad ka akhrisan kartaa shuruucdan:

community guidelines






Wednesday, February 24, 2016

ka guulayso caruurta, lock garee mouse ka iyo keyboard ka






Sidaynu dhamaanteen ba wada ognahay caruurteena waxaynu uga taag la'nahay computer ka gaar ahaan markaynu salaada u baxno ee aynu soo tukanayno, sida qaalibka ah waxay iska yaqaanaan caruurto button ka close layidhaa ee cas, taa macnaheeda oo ah in ay joojiyaan oo ay xidhaan shaqooyinkaynu ku wadnay computer ka sida qoraal aynu qoraynay iyo downloading inoo socday.

Hadaba anigoo dhibkaa kasoo horjeeda in uu ku dhoco walaalaha qaaliga ah ee la socda duruusta muxtarif waxaan soo diyaariyay software la yidhaa Keyfreeze oo lagu xanibo keyboard ka iyo mouse kaba isku mar. Sidoo kale waxaynu kaga hadli doonaa software kale oo isna shaqadaa mid inyar ka hoosaysa qabanaya.

Idinku sii dheerayn maayo, kusoo dhawaw xalqada oo video ah.





Kadaawo youtube halkan

Website ka sharaxa waakan:




Our Facebook page:

www.facebook.com/muxtarif



Tuesday, February 9, 2016

Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta



Facebook Messenger oo laga helay ciyaar (Game) si qarsooni ah ugu jirta.

Shirkada Facebook waxay usaamaxday isticmaalayaasha App keeda loo yaqaano Facebook Messenger inay ku ciyaarikaan game ka loo yaqaano chess oo si qarsooni ah ugu jirtay Facebook Messenger ka muddo badan balse shirkadu aanay ogaysiin isticmaalayaasha App kan.

Ciyaartan oo qofkastaa la ciyaari karo qofkuu doono ayaad la bilaabi kartaa sxb kaa adigoo kudhufanaya qofkaad doonto inaad la ciyaarto kadibna ku qoraya halka fariimaha laga diro @fbchess play.

Si aad dhagaxa ugu dhaqaajiso afargeeska E4 waxaad qoraysaa @fbchess Pe4 tusaale ahaan. Si aad wax badan u barato erayada la qorayo waxaad ku qortaa meesha fariimaha @fbchess help.
Dhagaxaanta hadaynu ka tilmaamno qaar kamid ah magacaantooda waa:
K  oo ah boqorka.
Q  oo ah boqorada.
B  oo ah maroodiga.
N  oo ah faraska
R iyo P   oo ah Rook iyo Pawn.

Sidoo kale waxa jira erayo badan oo qarsoon oo ay ka midyihiin @fbchess resign  si aad u joojiso ciyaarta, iyo erayga @fbchess stats si aad u eegto dhibcaha adiga iyo saaxiibkaa ku kala sarayseen, iyo erayga @fbchess play white ama @fbchess play black si aad kalarada( colors ) u badbadasho.


Waxa la tilmaamay inaan la ogayn xiliga Facebook ay kusoo dartay Messenger ka ciyaartan, balse website ka ay ku doodaan bulshadu ee la yidhaa Reddit waxay sheegeen in ay jirtay ciyaartani ilaa December tii la soo dhaafay.




Contact us to day!

On Facebook:      www.facebook.com/muxtarif
on website        muxtarif.blogspot.com
on Youtube        abdishakur channel

Thank you!

Friday, January 15, 2016

Wikipedia waxay soo bandhigtay liiska bayjajka ugu akhriska badnaa taariikhdeeda!




Wikipedia waxay u dabaaldagaysaa munaasabada kasoo wareegtay aasaaska wikipedia oo laga joogo muddo 15 sanno ah xiligii la aasaasay, waxaanay ku soo bandhigtay munaasabadan liiska bayjajka loogu booqitaanka badanyahay taariikhda ay jirtay gabi ahaamba.

Kaalinta koobaad waa bayjka madaxwaynahii maraykanka ee hore dhabalyuu buush oo la booqday tiro gaadhaysa 45,862 jeer ilaa intay wikipedia samaysay maqaalka ku saabsan madaxwaynahan.
Si kastaba ha ahaatee qofna ma filanaynaynin in liiska 2015 ee wikipedia uu ugu sarayn doono madaxwaynihii hore ee ku fashilmay xilka wadanka maraynka, iyo ladagaalanka jabhada alqaacida.

Waxa ka mid ahaa liiska ragii sida aadka ah looga akhriyay mudadaas musaariciyiinta WWE oo galay kaalinta labaad, iyo sidoo kale ninkii caanka ahaa ee hitler ee hogaamiyaha ka ahaa jarmalka mudadii dagaalka labaad ee aduunku dhacay oo isna galay kaalinta tobnaad (10).

Liiskaasi wuxuu ahaa qaar ka mid ah 15 bayj ee ugu baadhista badnaa intay jirtay Wikipedia. Balse si gaar ah sannadka 2015 bayjka ugu akhriska badnaa wuxuu ahaa "Deaths in 2015" oo soomaali ku noqonaysa "Dhimashooyinka sannadka 2015".




www.facebook.com/muxatarif
abdishakur channel - youtube

Antivirus bilaash ah oo ay soo saartay Kaspersky







Maadaama oo ay jiraan dadbadan oo jecel inay helaan software ro bilaash ah oon lacag ahayn, shirkada ruushka ah ee ku caanka ah barnaamijka antiviruska ah ee kaspersky waxay isku hawshay inay macaamiisheeda u samayso software bilaash ah kanadiifiya virus ka ku jira computer rada balse aan unadiifinaynin sida imika uu unadiifiyo ka activation code ka wata.

Warkan oo lagu sheegay website ka russian ka ah ee layidhaa Russia To Day ayaa sheegay in kaspersky ay si rasmi ah ugu siidaysay isticmaalayaasha computer rada khaaska ah (personal computers) ee ku shaqeeya windows ka inay heli karaan barnaamijkan free ga ah ee antivirus ka ah.

Masuulka suuq gaynta shirkadan waxa uu carabaabay in wax soo saarkan cusubi uu ku haboon yahay dadka aan haysan lacag ay ku iibsadaan software ka activation code ka wata, sidoo kale uu yahay qayb ka mid ah siyaasada shirkada, si tijaabo ah ayuu u socon doonaa muddo 3 bilood ah oo ay arki karaan kaliya wadamada Russia iyo Ukrainian. 

Daacish oo isticmaasha App ay iskugu diraan fariimaha.





Dawlada islaamiga ah ee daacish waxay horumarisay App cusub oo Message si toos ah la iskugu dirayo Operating System ka Android, waxaana ku fiicanyahay inuu ku ilaalinayo inay wada xidhiidhaan xubnaha ururku si amni ah, waa sida ay sheegeen ururka Chost Security Group ee raacsan ururka Hackers ka ah ee caanka ku ah magacan Anonymous.
Ururka Ghost Security Group ee sidoo kale loo yaqaano GhostSec waxay sheegteen in ay yihiin shabakad ka hortagta argagaxisada, waana qayb ka tirsan ururka ballaadhan ee Anonymous.
Ururkani wuxuu sheegtay inuu awooda saari doono siduu gacanta ugu soo dhigi lahaa xubnaha uruka islaamiga ah ee isticmaala app kan iyagoo kaashanaya wakaalada wararka ee maraykanka iyo dhamaan shirkadaha kamasuulka ah website yada bulshadu ku kulanto, iyagoo kufaanaya inay akoono ay dawlada islaamiga ah lahayd ay hore albaabada ugu laabeen.

Dawladan islaamiga ah waxay ka faa'idaysatay encryptions ka uu leeyahay telegram ku, balse maamulka telegram markuu ogaaday arintaa wuxuu albaabada u laabay 78 channel oo xidhiidh la leh dawladaas.

11 january, ururka GhostSec wuxuu sheegay inuu kashifay App kale oo ay adeegsato dawladan islaamiga ah kaas oo magaciisu ahaa Alrawi.

Waxa la sheegay in App kan ay adagtahay in lahelo Link laga dowload garaysto maadaama oo aanuu ku jirin Google Play Store oo si qarsooni ah loo isticmaalayo.

Thursday, January 14, 2016

Sida qoraal aad ku qortay blog gaaga loo hoos geeyo page ka aad doonto.






kadib markaan asxaabta qaaliga ah kala kulmay su'aal si xad dhaaf ah usoo noqnoqotay qoraalna lagu fahmi waayay waxaan go'aansaday inaan xalqadan soo diyaariyo aniga oo ka jawaabaya dalabka igaga yimid asxaabtaas.

Ka soo qaad in blog gaagu uu uqaybsamo pages kan:
HOME  |    TUTORIAL   |   TODAY

waxaad rabtaa inaad qoraal qorto kadi aad hoos gayso TODAY si marka qof soo booqdo oo uu ku dhufto TODAY uu uga helo qoraalkaad imika soo galisay. Waxaad ogaataa qoraalkasta ood ku qorto blog gaaga hadii aad rabto page gaar ah inaad hoos gayso waxa khasab ah inuu soo galo ugu horayn HOME kaaga kadibna wuxuu galayaa page kaad ku waday.

Maxaaan uga jeedaa sidaas, la soco video gan si aad u fahanto


Fadlan hadii aad ka faa'idaysato ha ilaawin inaad Like garayso aqoon fidinta awgeed iyo Muxtarif ka aan kaala bakhaylayn waxkasta oo cusub.







Nagala soo xidhiidh Link yadan hoose: